Birmingham oo yeelatay guddi u ololeysa Wadada isku xirta Ceerigaabo iyo Burco
Birmingham Nov 04,2013(SDN)-Waxaa beryahanba ka socdey caasimadda labaad ee waddanka UK oo ah magaalada Birmingham dhaqdhaqaaq ku saabsan sidii looga qaybqaadan lahaa samaynta waddada isku xidha Burco iyo Ceergaabo.
Kadib shirar is daba joog ah oo dhacay taariikhaha 27, 28 October 2013 ayaa lagu magaacabay guddi khusaysa magaalada Birmingham iyo nawaaxigeeda oo ka hawlgasha arrimaha la xidhiidha waddada isku xidha Ceergaabo iyo Burco. Waxaa isna jirey shir ay ku kulmeen guddida odayaasha ee Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham taariikhda 03/11/2013. Goo’aamadii kasoo baxay guddida odayaasha waxaa ka mid ahaa in la ansaxiyo gudidda ku hawllan waddada Ceergaabo iyo Burco ee ka jirta Birmingham, hawsheedana bilaabato. Guddida odayaashu waxay noqonayaan marjac loo noqonayo oo lala socodsiinayo hawshu marba meesha ay marayso.
Waxay guddidu dhowaan guda gelidoontaa hawlaheedii farsamo.
Xubnaha guddida
- Shaikh Ismaaciil Aw Muuse
- Xuseen Baane
- Maxamuud Ismaacilil Barreh
- Maxamed Axmed Cilmi
- Cabdi Ubsiye
- Bashiir Cabdi Wadaad
- Cabdiraxmaan Ubaxle
- Axmed MaxamedXirsi
- Cabdillaahi Maxamuud Suldaan
- Cali Cirro
- Aadan Saalax Sugulle
- Yuusuf Cabdillaahi Saddexle
- Zakariya Daahir
- Kayse Maxamed Xuseen (Axmed Kayse)
- Cabdurazaaq Maxamed Jaamac ( Ina Xiislaqe)
- Maxamed Cali Jibriil
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
Xidhiidhiyaha ku meel gaadhka ah ee gudida
Birmingham- UK