Bilowga Hawlgalitaanka Khadka Tareen ee Isku Xidhaya Itoobiya Iyo Jabuuti
Addis Ababa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Khadka cusub ee tareenka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa dhawaan lagu wadaa in si buuxda loo hawl gasho.
Sanadka soo socda ee 2017 oo muddo bilo ah un ay haatan naga xigto ayaa waxaa lagu wadaa in khadkaa xaddiidka ah ee korontada ku shaqeeya uu bilaabo shaqo buuxda isla markaana loo adeegsan doono si buuxda.
Sidaa waxaa sheegtay oo laga soo xigtay Waaxda Khadka Tareenada ee Itoobiya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ERC.
ERC ayaa sheegtay in shaqadii laga haayay khadka 98% haatan ay diyaar tahay oo la dhammaystiray.
Kasakow inuu dhaqaalaha gobolka saacidi doono khadkaasi cusub hadana wuxuu soo gaabin doonaa waqtiga safarka oomarkii hore ahayd dhow maalmood imika wax ka yar hal maalin!
Tareenada adeegsanaya khadkaa ayaa waxay adeegsanayaan koronto sidaa daraadeedna waxaa baaqan doonta sida lagu wado lacagtii ku bixi jirtay shidaalka lagu isticmaali jiray tareenadii hore ee shidaalka.
Sidoo kale ayaa tareenada khadkan cusub aanay sii deyn doonin qiiq sidaa daradeedna waxaa qiiqii ka badbaadi doona deegaanka.
Tareenkaa ayaa Itoobiya u soo waaridi doona alaabada uga soo daga dekada Djibouti oo had iyo jeer wax uga soo dagaan maadaama Itoobiya aanay Badd lahayn.