|

Bil Buuxda oo ka Hadhay Qabashada Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye Galalafka Muuse,Maxamed Biixi oo Beri la Filayo inuu Beri soo Laabto, Is-Gaabinta Samaale Iyo Gibil Ku daaqa Kijaandhe

Hargaysa 10.Oct 2015 (SDN/QJ)- 10-ka bisha November oo ah wakhtiga rasmiga ah ee la filayo in lagu kala baxo tartanka KULMIYE isla markaana uu qabsoomi doono shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ayaa waxaa haatan inaga xiga bil buuxda.

loolanka kulmiye
Hadaba Loolanka Xisbiga KULMIYE ayaa maalmihii u dambeeyey waji cusub yeeshay ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi uu kulamo kala duwan la yeeshay beelaha ay ka soo jeedaan qaar Xubnaha ka mid ah Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaana uu ugu horayn taageero ka ansxiyey xubanaha beesha Habar Awal ugu jira golaha dhexe, halka uu intaasi ka dibna kulamo kale yeeshay xubnaha beelaha Harti iyo Habar Yoonis ugu jira golaha dhexe, waxaana uu dhammaantood ku qanciyey inay taageeradooda la garab istaagan, taas bedelkeedana uu koox kasta u sameeyey ballan qaad ay ku qanci karaan.

Geesta Kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu ah musharraxa ugu xoogga wayn ee wakhti xaadirkan loolanka kula jira Muuse Biixi ayaa ka mid ah waftiga Madaxwaynaha ee socdaalka ku jooga dalka Ingiriiska, waxaana uu safarkiisu ku soo beegmaya xilli uu Muuse Biixi dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wado magaalada Hargeysa, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in Maxamed Biixi uu ka soo noqday Waftiga Madaxwaynaha ee ku sugan dalka Ingiriiska,uuna xalay ku nagaaday Magaalada Dubai, waxaana ay wararku intaas ku darayaan inuu maanta galinka hore dalka ku soo laaban doono.

Sidoo kale Cabdicasiis Maxamed Samaale oo markii xukuumadda ka tirsanaa la saadaalinayay inuu laf dhuun gashay ku noqon doono Muuse Biixi ayaan beryihii u dambeeyey lagu arag saaxadda loolanka KULMIYE, waxaana ugu dambaysay mar uu is muujiyo munaasibaddii ciidii ramadaan, markaas oo shacabka reer Gabiley oo uu la tukaday uu ujeediyey Khudbad cajiib ah isla markaana soo jiidatay dadwaynaha ku dhaqan deegaankaas. Intaas ka dib inkastoo uu ka dhawaajiyey inuu wali Murashax yahy hadana lama arag dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu ku muujinayo hankiis Musharraxnimo.

Waxaa sidoo kale geestiisa olole xoogan kaga jira Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo todobaadkii hore munaasibad uu qabtay ku muujiyey taageeradiisa, isla maalintii khamiistii ee todobaadkii tegayna waxaa kulan isugu yimi xubnaha beesha Arab ugu jira Golaha dhexe waxaana ay wararku sheegayaan inay taaeeradooda la garab istaageen Xildhibaan Kijaandhe inkasta oo uu warkaasi beeniyey Xoghayaha guud ee KULMIYE.

Dhanka Kale Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somalialnd Md: Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa weftidii Madaxwaynaha Somaliland ee dalalka Ireland iyo Ingiriiska ayaa la filayaa inuu maalinta bari ah ka soo laabto safarkaasi isla markaana bari ka soo dagayo garoonka diyaaradaha Hargaysa .

Dhaqdhaqaaqyo xoogan oo lagu soo dhawaynayo Wasiir Maxamed Biixi ayaa laga dareemayaa magaalada hargaysa ee caasimada Somalilnd ,waxana baraha bulshadu ku kulanto buux dhaafiyay sawirada iyo qoraalada lagu taageerayo Musharaxnimada Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu yahy Murashaxa Madaxwayanha ee Xisbiga kulmiye ee madaxwayne Silaanyo dabadii waxaanu hankaasi ku kasbaday Taageerayaal cudud leh.

Ugu dambayn lama saadaalin karo halka uu sal dhigan doono loolanka daba dheeraaday ee u dhexeeya kaadiriinta Xisbiga KULMIYE, waxaase la hubaa in hadal haynta arrimahani ay baaqi sii ahaan doonto illaa inta lagaga gaadhat shirka Golaha dhexe ee Xisbiga.

 

 

Comments are closed