“Berigii Hore Dhibaatooyin Baa Ka Iman Jiray Marka Ay Dadku Iska Fuullaan TAXI aan Raad-raac lahayn Oo Qaar Baa Hablaha Lagu Faro-xumayn Jiray, Immika’se Waa Laga Maarmay”
Hargeysa 16. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Hargaysa Mawliid Kayse Muxumed (Mawliid Qaro) ayaa ka hadlay qorshayaal ay dawlad hoose ahaan ku adkaynayaan bilicda caasimadda iyo fayo-dhawrka deegaanka kuwaas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay sidii loo ilaalin lahaa in lagu iibiyo bakhaarada cuntooyinka Wakhtigoodii Dhamaaday,waxaana uu digniin u diray ganacsatada Somaliland.
Mawliid Kayse Muxumed Xog-hayaha Fulinta Dawlada Hoose waxaa uu tilmaamay inuu ku guulaystay inta uu xilka hayay inuu diwaan galiyo gadiidka loo yaqaano Vits-ka bulshaduna ku naanaysto Tukhaanka kuwaas oo ay u sameeyeen lambarro Lagu Tixraacayo Mac-luumaadkooda.
Mawliid Qarro ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay qorshayaal uu ku adkeeyay adeega fayo-dhawrka,kuna cidhib tirayo bakhaarada ama dukaanada meheradahooda ku dhex qariya Alaabada Wakhtigoodu Dhamaada,waxaana uu Digniin Hawada u Mariyay Ganacsatada. “waxaan ku guulaystay intaan xilka hayay inaan bulshadda aanu u adeegayno ka ilaalino wixii dhacay dadka si aanay uga dhalanin Xanuunada kala gadisan ee ay sababaan cuntooyinka ama sharaabka wakhtigiisu dhaafay, dawlada hoose ee Hargaysa waxa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii ay u ilaalin lahayd una tirakoobi lahayd bakhaarada iyo waliba tukaanada lagu iibiyo wixii wakhtigooda dhaafay,waxaanan dadaal galinay inaanu markasta ilaalino caafimaadka bulshadda oo ah ka noogu muhiimsan.”
Sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu, waxaanu intaas ku daray “markii hore mid siwacan u shaqaysay may ahayn waaxda fayadhawrku balse intaan xilka qabtay waxaan u sameeyay kooxo ka shaqeeya ilaalinta iyo tirakoodibada in ay bakhaaradu ama tukaanadu hayaan alaab wakhtigoodii dhaaftay,shaqaalaha hadda ka hawl gala waxaanan u sameeyay dirays u gaar ah aniga oo siiyay gawaadhi baadi-goob ugu jira wixi caafimaadka bulshada iyo shacabka waxyeelo gaadhsiinaya ee caafimaadkooda waliba wax u dhimaya.”
Xoghayaha Dawlada hoose ee hargaysa waxa uu bulshadda ku guubaabiyay in ay markasta iska eegaan cuntooyinka ama sharaabada ay iibsanayaan in tariikhda ku qorani saxan tahay,waxaana uu furay in ay lasoo socod siiyaan bakhaarka ama tukaanka haystay alaabo dhacday.
Geesta kale Mawliid Kayse Muxumed ayaa ka hadlay inuu ku guulaystay inta uu xilka hayay inuu diwaan galiyay Gawaadhida loo yaqaan Taxi Ama Tukhaanka oo ciidanka amaanka Somaliland cabasho xoogan ka muujiyeen waxaana uu ka warbixiyay qorshahaasi sida uu ugu suurto galay. “hortu ilaahay ayaa mahadleh oo nagu guuleeyay inaanu diwaan-galino gadiidka yaryar ee loo yaqaan Tukhaanka oo xagii amaanka waxbadan ka taray,waxaana dhacday tusaale ahaan in dadka iska fuuli jireen taxi aan lanbar iy raad-raactoona lahayn oo dhibaatooyin ka iman jireen halka qaarna hablaha lagu fara xumayn jiray,lakiin hadda waxaas waa laga maarmay oo qofkasta oo gaadhiga raacayaa waxa uu eegayaa gaadhiga lanbarkiisa ay dawlada hoose ku diwaan galisay,waxaanan arinkaas ugu guulaysan qaab wanaagsan waxaana uu noqday mid midho dhala oo bulshadda ku reyeen xagii amaanka iyo xagii shacabkaba. Waxa uu intaas ku daray xoghayaha Fulinta Dawlada hoose Ee Hargaysa lacagta maalinkasta laga qaado gaadhi kasta oo Taxi ah oo ka dhex shaqeeya magaalada hargaysa .
Waxaana uu yidhi. “waxaanu maalintii ka qaadnaa gaadhi kasta oo taxi ah ama Tukhaan ah shan boqol oo shilinka Somaliland ah taas oo bishii noqonaysa shan iyo tobankun oo shilinka Somaliland, waxaanan amaanayaa ciidanka booliska Somaliland oo gacan wayn ka gaystay sidii ay u suurto gali lahayd arintaas gawaadhida dukhaanka Lagu diwaan galiyay,waxaana ay kor u qaaday xagii kale ee dakhliga ee nidaamka dawlada. Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa ayaa sheegay in Dhawaan ay dhisi doonaan waddada ka bilaabanta shinbirta kuna dhamaata jaamacadda hargaysa ee sii marta xaafadda axmed Dhagax Ee Hargaysa.