|

Beri oo uu Bilaabmayo Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda & Komiishanka oo soo Saaray Jadwalka kala horaynta Axsaabta

Hargaysa 20. October 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo saaray Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Saddexda Xisbi Qaran.

 

 

Ololaha Doorashada Madaxtooyada ayaa Komiishanka Qaranku u asteeyay inuu bilaabmo 21-ka bishan Oktoobar oo ku beegan Sabtida beri , waxaanu soconayaa illaa 10-ka bisha November, 2017-ka, taasi oo ka dhigan in Ololaha Doorashadu dhammaanayo laba Maalmood uun ka hor Maalinta loo dareerayo Doorashada oo ku beegan 13-ka November.

 

Ololaha Doorashada Madaxtooyada ayaa waxa lagu bilaabayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana ku xigaya Xisbul-xaakimka KULMIYE, halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyo, sida ku cad Jadwalka Ololaha Doorashada Xisbiyada Qaranka oo Komiishanka soo saaray.

Comments are closed