|

“Berberi Waxay Leedahay Mustaqbal Ifaya Oo Dihin” Warbixin James Jeffrey

Berbera,  07.June 2015 (SDN/QJ)- “James Jeffrey oo ka tirsan . BBCNEWS ayaa ka qoray warbixin  ka hadlaysa xaalada Berbera ay ku sugantay waqtigan, sidii ay taarriikhiyan beryo ahaan jirtay iyo mustaqbalkeeda ifaya.

Dekada berberaWarbixintaas oo aan soo turjunay waxa ay u dhignayd sadan: ‘Berbera oo ku taal ka soo horjeedka gacanka Cadmeed waxa ay mar ahaan jirtay xudunta marinnada ganacsi  ee u dhexeeya gudaha  Geeska afrika  iyo Bariga dhexe.

Waa deked ballaadhan oo la jaar ah  Djibouti oo waqtigan heysata ganacsiga gobolka, taasi oo doorkii Berberana shiiqisay.

Quruxda naqshadaha qadiimka ah ee Berbera  ee burbursani  waxa ay isugu jiraan dhismayaal ka soo jeeda Cusmaaniyiintii  iyo kuwa ay adeegsadeen jireen  bulshooyinkii  ganacsatada ahaa ee jiiraanka sida  Carabta , Hindida, iyo Yuhuuda ee ay mar ku noolaayeen oo haatan si  sibiq ah  u sii baaba’aya.

Offloading containers at the Port of BerberaSomaliland  oo ahaan jirtay  British Protectorate  waxa ay xorriyada qaadatay  1960, inkasta oo wax faro ku tiris ahi ka sii muuqdaan raadadkii gumaystaha  Berbera.

Dhaqaalaha Somaliland ayaa ku tiirsan dhoofka  xoolaha  ee laga dhoofiyo dekeda Berbera ee casriga ah.

Adhiga iyo geela ayaa loo diraa  Saudi Arabia halka  70%  waxyaabaha ka soo dega laga iibiyo Itoobiya oo la jaar ah.

Somaliland waxa ay ahaan jirtey xarun ganacsi oo istaraateji ah ,” sidaa waxa yidhi  Weli Daud  oo ka tirsan wasaarada maaliyada  Somaliland. ” Haatan waxa ay dowladdu u raadinaysaa  dekeda maalgashi shisheeye .”

Xeebta Somaliland oo gaadhaysa  850km waxa ay hodan ku tahay kalluun xad dhaafa oo laga samayn karo suuq ballaadhan oo xaami ah.  Haatanse, si ay tahayba  tiro kooban oo kalluumaysato ah oo keliya ayaa ka xoogsada khayraadka badda hodanka ah ee ku weegaarsan.

Waxa jira qaar soo jeediya in la adeegsado xeebaha dihin ee  soo jiidanaya dalxiisayaasha.

Haseyeeshee  Georgina Jamieson  oo ka tirsan heyad  addeega talobixineed oo saldhigeedu yahay  UK ayaa waxa ay leedahay  ma jiraan adeeg ku filan oo kaabayaasha dhaqaalaha ahi.  ” Inkasta oo taasi qayb ka tahay bilicda ; waa mid aad u dihin oo aan la taaban. Qaar ayaa leh waa sidii ay ahaan jirtay  beryo oo kale Masar  ka hor intaan  la daah furin dalxiiskeeda.”.

Berbera SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed