Berbera: Laba Wasiir Ku Xigeen oo Fagaare lagu Oogayay Salaada Ciidul Adxa lagaga Oriyey DAAWO
Berbera,September 24,2015(SDN/QJ)-Laba wasiir ku xigeen oo ka soo jeeda gobolka Saaxil aya saaka lagaga ooriyey fagaare ku yaala badhtamaha magaalada Berbera oo ay dadku isugu yimaadeen si ay ugu tukadaan salaadii Cidul Adxaha barakaysan.
Cali Gadh-dheer ( Cali Maxamad Cilmi) iyo Cali Dhagoole oo kala ah wasiir ku xigeenada Xanaanada Xoolaha iyo Warshadaha ayaa mar alaale marki uu badhisaab ku xigeenka Saaxil Xaamud Xuseen makrifoonka ka sheegay inay goobta salaadda joogaan si ay munaasabadda Ciidda ugala qaybgalaan waxa markiiba isbadalay jawigii iyadoo dadkii ay wajiyadooda ka dulmuuqatay farxadda iyo baashiraadu uu mar kaliya dareen cadho lehi fuulay taasoo keentay in labadii wasiir ku xigeen fagaarihii lagaga ooriyo isla markaana ay cidi farahood kaga fakadaan dadkii ku soo qamaamay markii salaadii la tukaday dabadeed.
Cali Gadh-dheer iyo Cali Dhagoole aya todobaadkan horaantiisii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hab qabyaaladeysan u adeegsatay iyadoo ku sandulaysay inay shir jaraayid qabtaan oo ay ka sheegaan in xukuumaddu ku saxsantahay qorshe ay ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay taasoo uu ra’yul caamka Somaliland si balaadhan uga soo horjeedo oo waliba gobolka Saaxilna si ba’an looga diidanyahay.