|

Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha.Qaybtii 3-aad

Berbera 15.Feb 2015 (SDN/QJ)- Waa dhisme gaboobay oo la dhisay hillaadii 1849. Waagaas oo carradan uu soo gaadhay Turkigu. Burbur dhan walba ah ayaa ka muuqda. Dhoobadii iyo ciiddii ayaa soo daadata. Dusha wuu ka soo daacay oo wuxuu ku dhaw yahay inuu dumo. Xilli roobaadka wuu darrooraa oo waxa la saaraa bac ama caw hadba wixii la heli karo. Meelihii gaadhka maxaabiista ilaaliyaa fuuli jireen way dumeen, mid ka mid ah oo qabcadi sii taagan tahayna, ma laha jaranjaro uu waardiyuhu ku fuulo, isla markaana wuxuu miciinsadaa loox jajaban oo ay isku xidh xidheen.

FADHGoobta caynkaas ahi waa Jeelka magaaladda Berbera. Waxa haatan ku xidhan maxaabiis boqol gaadhaysa, kuwaasoo dhamaantood rag ah. Xafiiska Jeelka ee uu fadhiisto taliyuhu, ayaa isna la mid ah oo aan bed qabin, darroora waqtiga raxmadda alle da,ayso. Gurigii Taliyaha Jeelka dad baa ku jira oo ka haysta, taasina waxay ku keliftay Taliyaha inuu u hoydo xafiiskiisa. Rinjiyayn mooyee wax kale oo dibu dhis ah laguma samaynin. Waxay dawladda hoose u samaysay berked biyaha loogu shubo.

Xogahaa iyo qaar kale oo la hal maalaba waxa wargeyska Ogaal ka soo xigtay, xildhibaano ka tirsan guddiga cadaalada Wakiiladda oo dhawaan kormeeray goobahaa, isla markaana ka waraystay masuuliyiinta joogta dhibaatooyinka haysta. “markii aanu dhamaysnay kormeerkii Maxkamadda iyo Jeelka, waxaanu la kulanay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar iyo Maayarka Cabdishukuur Ciddin. Waxaanu u bandhignay wixii aanu ku soo aragnay meelahaa, iyaguna way noo qireen dhibaatooyinkaasi inay jiraan. Dawladda Hoose waxay noo sheegtay, in dadka ku jira dhismayaasha maxkamadda laga saari doono, meel kalena ay u habayn doonaan. Badhasaabka markaanu waydiinay sababta uu uga bixi waayay maxkamaddana wuxuu noogu jawaabay, meel aan u baxo ma haysto”. Sidaa waxa yidhi xildhibaan ka mid ah guddigaa oo wargeyska Ogaal kula hadlay magaalada Berbera.

Jeelka Berbera wuxuu wax ka yar laba boqol oo talaabo u jiraa xarunta Madaxtooyada Berbera, waxaanuu ku yaalaa jidka loo maro. Sidoo kale wuxuu qiyaas intaa wax dheer yihiin u jiraa Haamaha Kaydka Shidaalka oo dheega ku haya Madaxtooyada, kuwaasoo dakhliga ka soo baxaa uu xad dhaaf yahay, sida loo maamulo iyo cidda maamushana aynu qormooyinka dambe ku eegi doono. Markaa waa hubaal  qof kasta ama wefti kasta oo madaxtooyadda Berbera tagaba, ishiisu in aanay seegayn ee uu arkayo muuqaalka duddumada foosha xun, ee sii liicaysa dadkuna ku hoos jiro. Taasoo haddii aan degdeg wax looga qaban oo layska sii eegto, ay suuragal tahay goor ay noqotaba inay ku jiifsato dadka ku hoos jira.

Biyuhu waa nolosha, noloshuna waa biyaha, la,aantoodna nololi suuragal maaha. Layskuma khilaafsana taa, hase ahaatee waxay waydiintu tahay, waa sidee siyaasadda maamulka biyaha Somaliland iyo dhaqanka xukuumadda taladda haysaa la timi markay kursiga ku fadhiisatay?.  Marka toos loo abaaro jawaabta su,aashan, waxa halkan yaala shuruuc is khilaafsan, digreeto Madaxweyne iyo kala duwanaansho siyaasadeed oo maamulka Biyaha ah. Xeerka maamulka goboladda iyo degmooyinku wuxuu dhigayaa, in Wakaaladaha Biyaha ee magaalooyinka ay maamulaan Dawladaha Hoose ee deegaanadu. Laakiin markii uu Madaxweyne Siilaanyo kursiga yimi, markiiba wuxuu soo saaray wareegto uu maamulka Biyaha magaalooyinka qaar ku hoos geeyay Wasaaradda Biyaha. Wareegtadaasi waxay wasaaradda hoos gaysay, Wakaaladaha Berbera, Burco iyo Ceerigaabo, halka Wakaladda Biyaha Hargeysa ay hoos joogto dallada madaxtooyada, ta Booramana ay ka tahay shirkad shuraako lagu yahay oo shacbi ah. la soco……………

Comments are closed