Belgium Oo Dad Lagu Xidh-xidhay iyo Heeganka Sare Ee Wadanka Oo Sii Soconaya
Brussels,23Nov,2015(QJ/SDN)-Xooggaga ammaanka ee wadanka Begium-ka ayaa hawlgallo ay sameeyeen ku soo qabqabtay 16 qof oo lala xidhiidhinayo weerarradii Paris gilgilay iyo heeganka sare ee la galiyay wadanka Belgium-ka. Boolisku wuxuu bartilmaameedsaday 19 goobood oo ku yaala caasimada Brussels iyo magaalada Charleroi, oo 75km koonfurta ka xigta.
Xeer ilaaliyaha Belgium-ka, Eric Van Der Sypt ayaa saxaafadda u sheegay in go’aan laga gaadhi doono sii haynta dadkaasi. Waxa uu sheegay inaan lagu qaban waxyaabo qarxa iyo hub midna.
Salax Cabdilsalam, oo la rumaysan yahay inuu agaasimay weerarradii Paris ka dhacay 13-kii bishan haddana loo malaynayo inuu ku dhuumanayo wadanka Belgium ayaan wali la hayn. Ninkan oo haysta dhalashada Belgium ayaa la aaminsan yahay inuu Belgium-ka ku sugan yahay.
Dhinaca kalena, ra’iisul wasaaraha Belgium ,Charles Michel, ayaa xaqiijiyey in heerka feejignaanta ee magaalada Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, iyadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo sii socota oo muujinaysa inay dhici karaan tiro weerarro ah oo ay kooxo islaamiyiin ah qaadaan, kuwaasoo daba socda weerarradii Paris.
Mr Michel wuxuu sheegay in iskuullada iyo tareennada dhulka hoos mara ee Brussels ay xidhnaan doonaan maanta oo Isniin ah, iyadoo heerka feejignaantuna uu sii ahaan doono heerka ugu sarreeya. Wuxuu sheegay in Belgium inteeda kale ay feejignaantu ahaan doonto darajada seddexaad, taasoo micnaheedu yahay in khatartu tahay mid suurtogal ah oo dhici karta.