|

Beledweyne oo la Geeyay Ciidamo Boolis ah oo qayb ka qaata nabadgalyada Magaaladaas

Muqdisho 14.Sep 2013 (SDN)- Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa maanta markii ugu horreysay ciidamo Boolis ah geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

boolis somaliMadaxa ciidanka Booliska AMISOM ee xarunta Beledweyne Theophilus Senese oo la kulmay maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay kala shaqeyn doonaan adkeynta ammaanka, islamarkaana ay siin doonaan tababarro lagu xoojinayo tayada iyo akhlaaqda ciidanka.

Wuxuu tilmaamay in hadda magaalada Beledweyne ay gaareen 12 saraakiil iyo ku xigeenna ah, islamarkaana la filayo in todobaadkan lagu soo biiriyo boqol askari oo ka howlgala xarunta ciidanka Booliska AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay ciidanka Booliska ee AMISOM, iyagoo xusay iney gacan ka geysan karaan xoojinta ammaanka iyo sare u qaadidda tayada ciidanka Booliska Soomaaliya, si guulo looga gaaro nabad kusoo dabbaalidda dalka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed