|

Beledweyne: Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan Oo Xabsiga La Dhigay

Beledweyne:26-Jan-2014 (SDN)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la sheegayaa inay Xabsiga Dhigtay Guddoomiye-ku-xigeenkii Gobolka Hiiraan, isla-markaana uu Haatan xidhan yahay.

Maxkamada-banaadir1Wararka Saaka Ka Imanaya Deegaankaas ayaa sheegaya Ninkaasi Xidhan yahay, Iyadoo  Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshadda Sheekh Xuseen Cismaan Cali, oo xalay la hadlay warbaahinta uu xaqiijiyay in uu xidhan yahay Cabdulaahi Maxamed Cumar oo guddoomiye ku xigeenka Beledweyne ahna ku-simaha duqa magaalada.

Mar la weydiiyay bal  inuu ka warbixyo sababaha loo xidhay mas’uulkan, wuxuu tilmaamay in loo haysto dhacdo hadda ka hor ay geysteen ilaaladiisa, laakiin waxa uu sheegay in dhawaan la Heli doono Faahfaahinta.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku aadan sababaha loo xidhay guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne.

Arrintan ayaa magaalada ka dhilsay xaalad kacsanaan waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad uu dhexmaro maamulka degmada iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida oo kala madax banaan.

Waa markii ugu horraysay ee masuul heerkaas gaadhsiisan xabsiga loo dhaadhiciyey, waxana jira Warar sheegaya in Xilka Laga Qaadi doono, maadaama isaga oo Xasaanad Haysta Xabsiga la dhigay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed