|

Beesha Warsangeli oo goaamo ka soo saartay xaalada Ceerigaabo

Ceelbuux(QJ) – War murtiyeed ka soo baxay shir ay dhawaan beesha Warsangeli ku yeelatay deegaanka Ceelbuh ayaa lagu shaaciyay in la baabi’iyay heshiskii beelaha ee lagu soo dhisayay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Warsangeli oo ka kooban toddoba qodob, ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii beelaha (Heshiiska Afar Beelood) ee wada-noolaanshiyaha Ceerigaabo, iyadoo loo cuskaday in beesha Isaaq jabisay.

Sidoo kale beesha Warsangeli waxay go’aansatay inay si buuxda u difaacdo magaalada Ceerigaabo oo ay Somaliland xoog kula wareegtay, isla markaana ay ka barakicisay beelihii Harti oo dhan, dhulkii iyo hantidoodiina laga qaatay.

Beeshu waxa ay shaaca ka qaaday in Somaliland iyo beesha Isaaq ee ka arrimisa gobolkaasi ay si buuxda uga masuula yihiin dhammaan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhacay Ceerigaabo, maadaama ay weerar beeleed ku soo qaadeen magaalada.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 35 xubnood oo u xilsaaran difaaca iyo colaadaha, waxaana la isku raacay in 15-ka bisha labaad ee sannadkan 2025-ka la qabto shir kale oo ballaaran oo aayo ka tashi ah.

Leave a Reply