Beesha Reer Higis Ee Subeer Celi (Arab) oo Naqdiday Isku Shaandheyntii Lagu Sameeyay Xukuumadda
Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):- Shir ay maanta isugu yimaadeen guddiga horumarinta iyo Siyaasadda, aqoonyahanka waxgaradka, iyo siyaasiyiinta beelaha higis ee Subeer Celi (Arab),kuwaasoo ka soo jeeda deegaanka koonfurta iyo galbeedka magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayeen arrimaha Horumarinta iyo Siyaasadda ee beesha iyo deegaanadeedaba, ayaa waxay ka soo saareen Qoddobadan hoos ku xusan:-
1- Beeshu waxay si buuxda u cambaaraynaysaa, isku shaandhayntii dhawaan u sameeyay Madaxweynaha JSL, taasi oo ahayd mid aan laga fiirsan xadgudubna iyo duudsina ku ahayd xuquuqda beeshaas.
2- In Beeshan oo ah beesha ugu degaanka balaadhan gobolka Hawd, ay hore naf iyo maalba u gu hurtay xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
3- beeshu waxay go’aansatey, in ay masiirkeeda siyaasadeed, ay kula bahawdo, halka ay dan moodo, madaama ay faro madhan iyo hungaba ka taagan yihiin xisbigii ay dhiiga u shubeen iyo xukuumadiisaba muddada dheer ee uu tallada hayey. Ugu dambeyn, waxaanu ugu baaqayna aqoonyahanka iyo waxgaradka beesha ee qurbo joogta ah iyo kuwa qolqol jooga ahba in ay u midoobana danaha beesha, iyo ta degaanadoodaba.”
Xubnaha Guddida siyaasada iyo horumarinta beesha ree Higis ee Subeer-celi.
- Dr Khaalid Ismaaciil Yuusuf. Guddomiyaha Guddida.
- Aqoonyahan Cabdilqaadir Xasan
- Aqoonayahan Cali Cabdi Cali. Xoghaye
- Ganacsade Khaalid Ismaaciil Cumar. Xubin
- Aqoonyahan Cali Xasan. Xubin
- Cabdi Maxamuud.
- Eng Maxamed Cismaan Cabdillaahi
- Dr . Axmed Maxamed
- Cabdiraxmaan ibraahim Xasan
- Cabdikariim Xuseen
- Axmed Ismaaciil.