Beesha Mudulood oo qada sharaf u samaysay Boqor Burhaan Boqor Muuse
Muqdisho May 31,2015(SDN/QJ)-Duubabka Beesha Mudulood oo uu hormuud u yahay Imaan Maxamed Yusuf Cali Imaan, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Caaqilo, Nabadoono, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano, Haween, Ganacsato, Gudoomiyayaasha Degoomoyina gobolka Banaadir, marti sharaf kale ayaa maanta qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa muqdisho, qadadan ayaa ku salaysnayd dhaqan, iyadoo alaabta wax lagu cunayey iyo qaabka loo diyaariyey ay ka muuqatay in la joogo baadiyiihi, waxaana qadadaan ka dhacday Beach View oo ku yaala xeebta Liido.
.
Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in isagoo beesha wakiil ka ah uu aad ugu faraxsan yahay in maanta Qado Sharaf balaaran uu ugu sameeyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo aad looga qadariyo gayiga Soomaaliyeed.
‘Beesha mudulood waxaa xasuusataan in 1991 in beeshaan u dirtay Puntland Wafti balaaran oo isugu jira nabadoono iyo Siyaasiyiin kuna soo afjartay Garbahayrey, joogitaankiina karaamo ayuu noo yahay, halkaana waxaa Jinaaso loogu tukaday Boqor Cabdullahi, beeshuna waxay aaday Qardho si ay uga qayb qaadato aaskiisa, waxaa kale oo beesha ka
qayb qaadatay caleema saarkii Boqor Burhaan Boqor Muuse” ayuu yiri ugaas maxamuud Cali Ugaas.
Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahdiyey sida qadarinta leh ee ay maanta u sooreen duubabka beesha Mudulood, isagoona sheegay arinkaan inuu muujinayo sida ay beesha Mudulood dhaqanka u ilaaliyaan.
“Umaddu waxay nooshahay marka ay dhaqankeeda ku taagan tahay, waxaana sharaf noo ah in beesha Mudulood oo maanta meesha ku dhan, waxay soo bandhigeen dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalidu lahayd sida; Bunkii, Fandhaalka, Xeerooyinkii martida lagu soori jiray iyo Dhiilaha, waana agabkii Soomaalidu ku faani jirtay, taas waxay muujinaysa in d dhaqankii Soomaaliyeed raadkeedii uu wali muuqdo”ayuu yiri Ugaas Xaashi
Boqor Burhaan Boqor muuse oo goobta ka jeediyey khudbad dheer oo isugu jirtay taariikh hore iyo sidii hada Soomaaliya ay isugu soo dhawaanayso ayaa sheegay iney isaga iyo salaadiinta Soomaaliyeed ay ka balameen sidii midnimada Soomaaliya loo soo celin lahaa.
“Beesha Mudulood aad ayaan uga mahadcelinayaa xafladaan qiimaha badan oo aad igu soo dhaweyseen, soo dhaweyn iyo marti soorku waa kala labo; Marti soorku waa mid dhaqanka Soomaalida meel fiican kaga jirta, qofka Soomaaliga ah isagoon waxba wadan ayuu soo bixi jiray wuxuuna ku tashan jiray dadka Soomaaliyeed, waa dhaqan soo jireen ah oo Diinteena
suuban meel fiican uga jira, Awowgey Muqdisho wuxuu yimid 1927-kii waxaana loo soo sameeyey soo dhaweyn balaaran, shan sano ka dibna halkaan ayuu ku geeriyooday, magaaldan Xamar waan daganahay waxaana u arkaa iney tahay magaaladaydii, waxaa halkaan ku aasan Aabahay, waxaa ku aasan salaadiintii iyo boqoradii aan ku abtirsanayey. Boqor Cismaan wuxuu marti qaaday Imaamyada Abgaal oo xiligaas khilaaf ka dhaxeeyey,
wuxuu ku dhex-dhexaadiyey degmada Baargaal, taasna waa xiriirka iyo dhaqanka soo jireenka ah, waxaana taariikhda aan dib ugu noqday inaan idin xasuusiyo,” ayuu yiri Boqor Burhaan
Boqorka oo ka hadlay safarkii dheeraa uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa ku tilmaamay in safarkaas uu qayb ka ahaa sidii Soomaali laysugu keeni lahaa, wuxuuna boqorku sheegay in dadka qurb joogta ah ay yihiin caqligii dalka, kuna booriyey inay dalka dib ugu soo laabtaan.
“Waxaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo safar dheer oo aan kusoo maray wadamo badan, oo North Americo, Yurub iyo Africa ah, Intaa safarka aan ku jiray waxaa dhacday dhibaatadii ka dhacday South Africa waxaana doorbiday inaan arinkaas u istaago, waxaana la qaatay kulamo Wasiiro ka tirsan dowladda South Africa iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay,
waxaan la kulanay Boqorka qoomiyada Suulugu oo dhibka ugu badan ay umadda Soomaaliyeed ka tabanaysay, waana naga aqbaleen in laga shaqeeyo sidii dadka Soomalaiyeed ay nabad galyo u lehi lahaayeen.
Waxaan kulamo la qaatay markaan halkaan imid Madaxweyna Xasan Sheikh Maxamud waxaana kulankaas ku gorfaynay sidii Soomaaliya loo nabadayn lahaa iyo in ay buuxiyaan duubabka dhaqanku kaalintooda kaga aadan nabdaynta, waxaan sidoo kale kulan kaas la mid ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid, kulamo kalana waan ku balan sanahay madaxda dalka intaan bixin.
“Waxaa layga codsaday caleema saarkaygii sanadkii hore inaan raadiyo Soomaali midnimadeeda, waxaan ka balan qaaday 7,000 oo qof hortooda inaan Soomaali” ayuu yiri Boqor Burhaan oo dhanka kale xusay iney Imaamyada iyo Ugaasyada Soomaaliyeed ay ku balamee in dadka Soomaaliyeed aan wada raadino, lakiin wakhtiga ayaa cariiri nagu ah oo
waxaa noo soo galaya Bishii Ramadaan, Inshalah Ramadaanta kadib ayaan u istaagaynaa inaan tagno dhamaan gobolada Soomaalida oo dahan.
Imanaka Beesha Mudulood Imaan Maxamed Yuusuf Imaan Cali oo xaflada soo xiray ayaa si qoto dheer ugu duceeyey dadkii meesha ka soo qayb galay, isagoona sheegay iney tagi doonaan gobolada Soomaalida oo dhan, si uu u muujiyo isu keenka Soomaalida, wuxuuna Imaanku ilaahay uga baryey shacabka Soomaaliyeed in bogooda burcad isu mariyo, dhanka kale Imaamka beesha Mudulood ayaa gudoonsiiyey Hadyado Ugaas Maxamed Ugaas
Xaashi iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
SDN/QJ-Muqdisho