Beesha mohamud hiraab (duduble) Oo Ka Hadashay La Wareegidda Galgaduud Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel Garas
Nairobi Mar 31,2012(SDN)-Shir ay isku yimaadeyn siyaasiyenta odayaasha ganacsada dhalinyarada iyo haweynka Beesha Maxamuud hiraab ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi,shir oo loga hadlayay isbadalka ka dhacay Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel la helay ceelgaras .
Kulankaan oo ahaa mid loga arinsanayay sida lagu tageri lahaa culeska laga dul qaday shacabka ku dhaqan Magaaloyinka Ceelbuur iyo Ceel la helay ay gobalka galgaduud ayaa waxaa kasoo Qayb galay odayaal dhaqaameed aqoonyahano dhalinyaro siyaasiyin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha mohamud hirab ( Duduble) .
Ugu horayn ayaa waxaa kulankaasi ka hadlay Qudbad dheerna ka jediyay cabdullahi cabdi kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in dowlada KMG Ah ee soomaaliya looga baahanyahay in ay sii wado Dadaalada ay ku donayso inay Gobolka Galgaduud. kaga saarto Al Shabaab
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ganacsade Mahad mohamed Xashi Oo shegay in aan wax dhibaato ah loo geysan dadka shacabka aan wax galabsan lana ilaaliyo dadka iyo doonyada ku dhaqan gobaha lagala wareegay wuxuuna ka codsaday ciidamada is bahaysiga inay ula dhaqmin shacabka sidii ururkii hore ayna iska ilaaliyan ku xadgudubka shacabka
Waxaa la isku raacay qodobadaan hoos ku xusan.
1.in beesha mohamud hiraab ay tageerto dowladaTFG si taasi la mid ahna ay dowladu gaarsiiso kaalmo bini aadam nimo goobihii laga saaray ALShabaab
2. in ciidamada is bahaysigu ay u dhimriyaan shacabka in muddo ah la dhibaateysnaa abaaraha iyo Al Shabaab
3.Dowlada kmg ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisto maamul deegaanka dooxa
4.in hay,adaha gargaarka si u dhaqsiyo badan ay u gargaaraan shacabka degan goobaha laga saaray Al Shabaab
Kulankaasi oo ahaa mid dadki kasoo qayb galay ay ahaayeen kuwo isku fikrad ahaa ayaa waxaa ay isku raaceen in la sii wado dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab .
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com