|

Beesha Karanle/Murusade oo kalsoonidii kala laabatay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warmutiyeena iyo qodobodiidmo ahna ka soo saartay SAWIRO

Beesha Karanle/Murusade oo kalsoonidii kala laabatay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warmutiyeena iyo qodobodiidmo ahna  ka soo saartay.

Munaasibad lagu soo gabagabeyey shir weyne u socday mudo 15 cisho ah xubno matalayey beesha karanle hawiye murusade

Waxaana idinkaga diyarinay si aad uga bogotaan warbixintaan
Shirka ka Mudadii u socday ka dib ayaa waxaa kalsoonidii beeshu u heysay kala laabatay Madaxweyne xasan sheekh maxamuud iyaga oo ku dhawaaqay ereyo ay ku diidan yihiin in ay ku sii kalsoonaadaan

Ka qeybgalyaasha shirka ayaa sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyey qodobadii goobta shirka jaraid looga aqriyey waxaana laga dheehanayey siida ay ugu wada riiyaaqeen kalsooni kala laabashada dowlada uu hogaamiyo madaxweyne  xasan sheekh maxamuud oo ay sheegeen in mudo badan u sabrayeen haatanse uu ka dhamaaday dulqaadkii

Iyada oo xildhibaanda beeshuna si buuxda u taageereen waxaana sidoo kale taageeray ugaaska beesha karanle murusade ugaas cabdulaahi ugaas xaashi ugaas fara cadde iyo caasha cusaan ugaas ,suldaan maxamed axmed yalax Maxamed dheere, xildhibaan sheekh yusuf cali ceynte ,iimaan jimcaale , oo k atirsanaa golaha deegaanka gobolka banadir oo goor hore laka diirey dr maxamed nuur gacal , oo ka mid ahaa xukuumadii kalsoonida xildhibada ka weysay ee dhawan la riday guudoomiyaha golaha beelaha hawiye maamed Xasan xad  nabadoonada aqooyahanada iyo haweenka  iyo qaar kale oo aa halkaan lagugu soo wada koobi karin beesha looma kala harin intii goobta joogtay waxay wada acadeeyeen siida ay raaliga uga wada yihiin salkooni kala noqoashada dowlada uu hogaamiyo madaxweyne xasan sheekh Maxamuud oo ay sheegeen in uu meel uga dhacay mansabkii siyaasadeed ee ay lahaayeen waxayna intaa ku dareen in uu ka maqan yahay mudnaantii ka ka asugayeen .

Xidhibaan xasan macalin oo ka mid ah goalaha xildhibada barlamanka horeyna marana soo noqday agaasimihii madaxtooyada xiligii madaxweyne sheekh shariif oo ka mid ahaa aqyaartii fikirkoda ka dhiibtay goobta ayaa sheegay in uu xildhibaan u yahay beesha karanle uuna la qabo rabitaankooda isla markaana soo dhaweeyey kalsooni kala laabashada beeshu doortay

Sidoo kale xildhibaan c/weli maxamed qanyare afrax oo madasha hadal aad loogu riyaaqay shirka ka soo jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday go.aanka uu la qaatay beesha uu xildhibaanka u yahay ee karanle hawiye

Qaarka mid ah saraakiisha ka duwan ee ciidamada qalabka sida odoyaasha Nuucyada odoyasha dhaqanka kuwii soo xuray xildhibaanada suldaano ugaasyo  inta beesha  la xurmeeyo hadalkooda ay ku camal falaan

Waxaa sidoo kale goobta shirku ka socday soo wada xaadirey qaar ka mid ah acalimiinta jaamcadaha waxka dhigta oo ay la socdeen arday ururada bulshada rayidka ah kuwa haweenka inta badan qeybaha kala duwan ee bulshada

Nabadoon bootaan oo ka mid ahaa nabadoonadii xildhibaanda soo xulay ayaa bahda saxaafada ka codsaday in kalsooni kala laabashada dowlada ay gaarsiiyaan calamka ka dib markii uu beesha ka dhamaaday samirkii ayna wax badan u samrayeen madaxweynaha xukunkiisa oo qaldanaa darted

Nabadoonka ayaa tibaaxay in beeshu tahay bel mugweyn iyo misaan leh wuxuuna ku sifeeyey beeshu tahay halbowle aan laga maarmi karin taasi oo uu sheegay in beeshu si weyn ula shaqeyday dowlada ayna tahay dowlad ku nool wadaniyiin ah .

Nabadoon bootaan ayaa intaa ku daray in madaxweynaha laga waayey beesu wixii ay mudneyd waxaa kale oo uu sheegay in ay beeshu weysay xaquuq la mid ah xaquuqaha beelaha somaliyeed ay leeyihiin oo kale

Bootaan “beeshu  doonimeydo wax aysan xaq u laheyn belse waxay weyday xaquqdii ay laheyd dowlada dhexe iyo maamulka gobolka banadir “

“ sidaa darted mar haddii labadaas ogtahay udub dhexeeda jecel in dowladu cagadhigato ayna beeshu tahay udubdhexaad gobolka beeshu u tahay darintii lagu seexanayey oo xaabada caanaha iyo cowska soo galida canshuurta lagu masruufo dowlada soo galiida oo qeyb weyn ka qaadata hadii uu xasn sheekh intaa garan waayey xasan waxaan leenahay xukunkiisii waa dhamaaday umadda somaliyed iyo calamkana waxaan u sheegeynaa in ay soodoortaan madaxweyne kale oo cusub  oo qaranka hogaamiya “

Qaarka mid ah xubnihii goobta ka hadlay ayaa sheegay in isu  imaantinodu k adanbeysay ka dib markii madaweynaha markii la doortay ilaa iyo iminka laga waayey xaquuqdii iyo qadarin beeshu laheyd waxayna caalamaka cod dheer ugu gudbiyeen in ay codkooda kala laabteen xaqoodiina ka waayeen.

Nabadoon suuuxaay oo isna hadalka dhankiisa qaatay ayaa calmaka uu baaaqay in ay beesha karanle /murusade ay dowlada uu madaxweynaha ka yahay  kalsoonidii kala laabteen iisaga oo soo dalishaday dhowr qodob oo aan ka xusi karno la tashi la,aan waxyaabaha ay muqdisho u baahan tahay wuxuuna xusay in ay muqdisho tahay meel beeshu ku leedaya beero goofaf marka guryahay cadiga ah laga tago ay yihiin kuwa ugu dhulka daaqsinka ka soo gura caanaha keena canshuuraha lagu bixiyo ayna mudan yihiin in lagala tasto.

Wuxuu kale oo uu xusay nabdoonku in deegaanada muuqdisho ku teedsan ee beeshu dagto ay dowladu tiri dadka dagan dhamaantood waa wada shabaab taasi oo uu sheegay in aysan beeshu mudneyn in sidaas uu madaxweynuhu ula dhaqmo

Nabadoonak “ waxaan rabnaa duqa magaalada iyo gudoomiyaha maamulka gobolka banadiir hadii aan labadaas helina duqa kalsoonida beeshu waa laka laabatay ayuu hadalkisii uga baxay waxaana lagu soo dhaweeyey sacab iyo mashxad aan caadi aheyn .

 

Wax badan baan u dulqaadanay xukunkiisa qaldan xasan sheekh xukunkisii waa dhamaaday  ayaa lagu yiri shirka intii uu socday .

 

Halkan ka aqriso war murtoyeedka kasoo baxay beesha murusade.

 

ujeeddo: soo gudbin go’aanka beesha murusade/karanle oo ah kala noqosho

 

kalsooni madaxweynaha jam. Federaaalka soomaaliya.

Shir ay beeshu yeelatay oo socday muddo 15 cisho ah, ayna ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, dhalinyarada, haweenka iyo dhamaan waxgaradka beesha, dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxay beeshu go’aansatay inay kala noqoto kalsoonida madaxweynaha dalka iyadoo loo sababeynayo qodobada soo socda:

Madaxweynaha oo lumiyay amaanadii sanad iyo bar ka hor lagu amaanesytay ee qaranka.

wuxuu lumiyay himiladii iyo rajadii dowladnimada ummadda soomaaliyeed iyo tii beesha caalamka.

 

Wuxuu ku tuntay nidaamkii awood qeybsiga dalka, asagoo si qaas ah ugu xadgudbay kuna takri falay beesha murusade, ugana baxay ballamo badan.

 

Wuxuu dib usoo nooleeyay huriyayna colaadaha beelaha soomaaliyeed.

 

Wuxuu si joogta ah ku hayaa beesha murusade barakac, qafaal, xarig iyo cagajugleen asagoo si qaldan ugu ku takri falaaya awooda dowladda si aan sharci ahayn, si uu ugu fogeeyo xagjirnimo.

 

Asagoo adeegsanaya hay’adaha amniga qaranka mar kasta u isticmaalaa inuu ku sunto beesha oo dhan inay yihiin shabaab.

 

Wuxuu inkirsan yahay doorka ay beeshu ku leedahay guud ahaan qaranka, gaar ahaana gobolada ay degto, sida: gobolka banaadir.

 

Beeshu waxay u gudbinaysaa dhamaan umadda soomaaliyeed, beesha caalamka iyo ciidamada amisom ina beeshu si buuxda kalsoonida kala laabatay madaxweynaha j. Federaalka soomaaliya

 

Waxaan faraynaa xildhibaanada iyo siyaasiinta beesha inay ku shaqeeyaan kuna metelaan rabitaanka beesha.

 

Sidaas darteed, qodobada kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan awgeed, waxaan kalsoonidii aan u heynay kala noqonay madaxweynaha dalka.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Wabillaahi towfiiq.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed