Beesha Habar-Gidir Iyo Dawladda Federaalka Somalia Oo Isla Qaatay Qodobo ku Saabsan Sidii Loo Aasi lahaa Dad Todobaadkii Hore Lagu Laayay Weerar Diyaaradeed
Muqdisho 04. September 2017 (SDN/QJ):- Dhacdadii lagu xasuuqay dad shacab ah usbuucii hore ayaa sii kicisay farqiga siyaasadeed ee u dhexeeyay beesha Habargidir iyo dowladda Federaalka ah.
Haddaba si loo duugo meydadkii dadkii lagu xusuuqay Bariire, ayaa dowladda iyo Beesha Habargidir waxaa aay kala saxiixdeen heshiis dhowr qodob ka kooban, Qurbejoog.com oo heshay nuqul ka mid ah heshiiskaas ayaa waxaa ku qornaa qodobada hoos ku qoran.
1- In hogaanka ciidamada Milateriga DF ee ka howlgalo gobolka Sh/hoose looga dambeeyo saraakiil ka soo jeedo beesha Habargidir isla markaasina gobolka Sh/hoose laga wareejiyo General Sheegow oo dhowaan lagu soo bedelay booska ay joogeen horjoogeyaasha kala ah Xasan Jaamici iyo Laba Afle.
2- In jagada Wasaaradda Arimaha Gudaha DF dib loogu soo celiyo beesha Habargidir gaar ahaan (Ceyr) isla markaasina loo ogolaado in xilkaasi loo magacaabo shakhsi ay keensaneyso beesha Ceyr.
3- In madaxda dowladda federalka ay baajiyaan fulinta xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda ciidamada ay ku riday Dable Axmed C/laahi Caydiid oo ah gacan-ku-dhiiglihii toogtay wasiirkii Howlaha Guud ee DF marxuum Cabbaas Siraaji oo la dilay bishii MAY ee sanadkan 2017-da.
4- In xilka laga qaado wasiirka Warfaahinta Eng. Yariisow iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid Maxamed C/laahi oo labaduba si qeexan u sheegay in raggii lagu laayey deegaanka Bariire ay ahaayeen ama gacansaar la lahaayeen Kooxda Alshabaab. Xilka qaadistan ayaa lagu wadaa inay xaqiiqowdo isku shaandheyn dhowaan loo balansan yahay in lagu sameeyo Golaha Wasiirada DF ee uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre.
5- In hoggaanka sirdoonka ee NISA loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda beesha Habargidir, waxaana aay beesha isku raacsan tahay, Gen. Khaliif Ereg in loo dhiibo.
6- In Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamulka K/Galbeed ay si wadajir ah iskaga kaashadaab in beesha Habargidir maamulka gobolka Sh/hoose laga siiyo xilal muhiim ah min heer gobol ilaa heer degmo taasi oo beesha u fududeyneyso inay ku difaacato masaalixdeeda iyo dhul beereed ay xoog ku qabsatay 20-kii sano ee dalka dowlad la’aanta ahaa.