|

Beesha Ciise Binu-axmed Oo Fool-xumo Aan Hadhi-doonin KuTilmaamay Faro-madhnaan Ay Awood-qeybsiga Dawladda Somaliland Ka Joogaan

London 21. August 2017 (SDN/QJ):- Qurba jooga beesha Ciise ee ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin in loo doorto kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland. Qurba jooga beesha Ciise oo war murtiyeed ay ka soo saareen magaalada London soo gaadhsiiyey qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidan.

“Qurba jooga Beesha Ciise waxay cadaynayaan inay xaq u leeyihiin in xildhibaan beesha ah loo doorto kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland si ay beeshu iskaga dhex aragto saami qaybsiga baarlamaanka, iyada oo beeshu mudo dheer ka qatanayd isla markaana dulqaad badan muujisay. Waxa ceeb ah oo ay beeshu fara madhan ka taagan tahay awood qaybsiga dawlada somaliland, iyada oo xaq u lahayd inay hesho saamiga ay ku leedahay dawlada oo muhiim ah inay hesho, balse haddii xildhibaan Beesha Ciise ah loo dooran waayo kursiga hada banaan ee gudoomiye ku xigeenka koowaad waxay noqon doontaa mid lagu kala guuro waana arin uu ka shaqaynayo madaxweyne ku xigeenku inaanay beeshu helin kursigaas.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu mudaba ka shaqaynayey sidii uu iskugu dhufan lahaa beesha Ciise iyo beesha Isaaq taas oo aan marar badan u suuroobin, waxaana tusaale cad inoo ah sida uu mar kasta dhibaatada uga wado deegaanada kala duwan ee gobolka Selel.

 

Hadaba waxaan ku baaqaynaa haddii aanu nahay beesha Ciise gudo iyo dibadba in kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada aanu xaq u leenahay in nala siiyo oo nalagu sharfo sida dhulbahante loo siiyey gudoomiyaha golaha wakiilada, Gadabuursina loo siiyey madaxweyne ku xigeenka, warsangalina gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida.

 

Afhayeenka beesha ciise

Qaaradaha yurub iyo America

Deeqa Cali Buux

Comments are closed