‘’Beesha Caalamku Waxay Aaminsan Yihiin In Badan Oo Ka Mida In Aqoonsi La Siiyo Jamhuuriyadda Somaliland Ay Dhaawici Karto Dedaaladda Dib U Dhiska Iyo Dawlad Shaqayso Oo Muqdisho Loo Sameeyo Laakiin….’’ Agaasimaha Cilmi Baadhista Atlantic Council
Hargaysa 07. June 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha Barnaamijyadda iyo Cilmi Baadhista ee xarunta Africa Center at the Atlantic Council Ms Bronwyn Bruton oo ah xarun lagu falan qeeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha afrika oo ku taalla Magaalada Washington Dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in Jahmuuriyadda Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii looga baahnaa qaran madaxbannan, balse afduub ahaan uu u haysto dalka ugu qalalaasaha badan ee Somalia.
Ms Bronwyn Bruton oo ka hadlaysay kulan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu xaruntaasi kaga jeediyey khudbad la xidhiidha taariikhda iyo qadiyadda Somaliland, ayaa waxa kale soo bandhigtay qodobbo ay sheegtay in ay caqabad ku yihiin aqoonsiga Somaliland.
Agaasimaha Barnaamijyada iyo Cilmi Baadhista ee xarunta Africa Center at the Atlantic Council oo ka hadlaysay arrimahan Waxay Tidhi:-
“Xaqiiqda marka laga hadlo ta ugu horaysa ee jirta waxay tahay Somaliland hada ma leh Khayraadka Sida Saliida iyo khayraad kale oo ka soo baxa dalkooda si ay gacan uga hesho saaxiibo kale oo daneeya kana caawiyo inay gacan ka geystaan qadiyaddooda fagaarayaasha dunid. Ta labaad Beesha Caalamku waxay aaminsan yihiin in badan oo ka mida in aqoonsi la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland ay dhaawici karto dedaaladda dib u dhiska iyo dawlad shaqayso oo Muqdisho loo sameeyo iyada oo ah Somalia dalka ay ka goday Somaliland, bal eeg Beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan dalalka Maraykanka iyo Ingiriisu waxay dedaalo iyo wakhti badan galiyeen inay isku dayaan sidii maamulka Muqdisho ee Somalia dawlad loogu dhisilahaa, waxaana kale oo hadii Somaliland loo meel mariyo qadiyaddeeda gooni isku taaga ay Beesha Caalamku siiso, waxay aaminsan yihiin inay xaqiiqdii saamayn xun ku yeelan karto Macmalka dawladda liidata ee Somalia loo dhisaayo”
Ms Bronwyn Bruton oo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Somaliland waxay sumcad badan ku kasbatay inay tahay Jasiirad nabadgelyo buuxda oo ay Bad wadaag yihiin dalka khilaafka ugu weyn ee mandaqadda ku yaala ka jiro ee Somalia, xaqiiqduna waxay tahay si ka duwan Koonfurta Somalia oo ah meel aad mushkilado aan xad lahayn ku arki karto, inay Somaliland tahay mid leh Ahmiyada deegaan iyo bulsho qabiil qudha isku ah, sida darteed nidaamka ay ku dhaqmaan reer Somaliland ayaa ah mid Dumquraadiyad nidaam dhaqan Qabiilaysan lagu sargooyey oo u dhisan, kolay taasina saameynteeda ayey leedahay tusaale ahaan hadii aanad Beelaha tiradda Badan ka mid ahayn waa saameynaysa Beelaha tiradda yar. Reer Somaliland waxay sameysteen qadiyad wax ku ool ah, sababtuna waxay tahay xata ma ahayn dhul uu gumeystay maxmiyaddii Talganigu ee waxa dhulkooda ka talin jiray Dalka Ingiriiska ( 1960-kii ka hor) asal ahaana waligood Somaliland ma ahayn kuwo Somalia ka tirsanaan jiray, sida darteed xaq ayey u leeyihiin inay xoriyaddooda la soo noqdaan,
waxaana kala gumeysan laba dal oo Ingiriiska iyo Talyaaniga kala ahaa, oo mid kasta Somaliland-na iskeeda Ingiriiska uga qaadatay xoriyadeeda 1960-kii halka ay Somali-na si la mida uga qaadatay gobanimadooda waddanka Talyaaniga 1960-kii, balse halka ay wax ka qaldan yihiin waxaaba ka mida dalalka Afrika oo laftoodu u arko guul ay Somaliland ka gaadho aqoonsi la siiyo hada inay khatarteeda ku leedahay Somalia inay dal qaarada ku yaala noqoto” Sida waxa tidhi agaasimaha Kambaniga dhinaca sharciga ee dalka Maraykanka ku yaala ee Africa Center at the Atlantic Council: ms Bronwyn Bruton
Ugu dambeyntii Sarkaalkan Xarunta Africa Center at the Atlantic Council madaxda ka ah ee ms Bronwyn Bruton waxay arin nasiib daro ah ku tilmaantay inay Jamhuuriyadda Somaliland u noqoto dalka Somalia la hayste waxanay tidhi “Somaliland waa dal guulaystay oo afduub ahaan loogu xidhay dalka dunida ugu qaska iyo qalalaasaha badan ee Somalia, taasi oo ah caaddaalad daradda halkii u dambaysay”.