Beesha Caalamka oo Shirkii Horumarinta S.land ee Sannadkan u soo dirtay Dublamaasiyiin ka Derajo hooseeya Kuwii Kal hore Iyo Sababaha loo Tirinayo
Hargaysa 19.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wadamada beesha caalamka ee taageera horumarka Somaliland ayaa u muuqda inay hoos u dhigeen darajada wufuudii hore uga qayb geli jirtay shirka isu duwida mucaawinooyinka Somaliland oo sannadkiiba mar lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu furo Madaxweyne Siilaanyo.
Shirkii 8aad ee sannadkan oo toddobaadkii dhammaaday ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa lagu dareemay sida ay dawladaha reer Yurub hoos ugu dhigeen diblomaasiyiinta ay u soo wakiishaan ka qayb galka shirkan, marka la barbar dhigo shirkii 7aad ee kal hore ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
Tusaale ahaan shirkii 7aad ee sannadkii hore ee 2014 ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay wufuud culus oo ka socday dawladaha reer Yurub iyo hay’adaha kale ee Somaliland caawiya. Waxaana shirkaas kal hore goob-joog ka ahaa safiiro fadhigoodu yahay Nayroobi, halka aanu sannadkan hal safiir shirka ka qayb gelin.
Sannadkii hore ee 2014
Sannadkii hore ergadii shirkii 7aad ka qayb gashay waxa ka mid ahaa
Safiirka Holland
Safiirka Denmark
Safiirka UK
Ergey sare oo ka socday baanka adduunka
Ku –xigeenka ergayga Qaramada Midoobay
Safiir ku xigeenka Maraykanka
Xoghayaha guud ee IGAD
Ergey sare oo ka socday Baanka horumarinta Afrika
Iyo haweenay ku xigeenka ergayga ah oo ka socotay Midowga Yurub
Hase yeeshee sannadkan ma jirin wax safiir ah oo shirka ka qayb galay oo ka socday safaaradahaas sannadkii hore ka qayb galay. Sidoo kalena waxaan shirka iman xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo sanadkii hore goob-joog ahaa.
Sanadkan 2015
Ergada shirka 8aad ee sannadkan ka qayb gashay waxa ka mid ahaa
Ku-xigeenka Denmrak u qaabilsan mucaawinooyinka
Ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay
Sarkaal ka socday DFID oo ingiriiska u qaabilsan mucaawinada
Haweenayda ku xigeenka ergayga Midowga Yurub oo iyadu shirkii kal hore joogtay
Geesta kale, shirkii kal hore waxa lagaga yaboohay lacago badan oo gaadhaya dhawr milyan oo dollar, oo ay ku yabooheen dalalkii hore ugu jiray iyo dalka Holland oo kal hore ku soo biiray, waxaanay ku yabooheen lacag gaadhaysa lix milyan oo dollar. Hase yeeshe sannadkan ma jiraan dalal cusub oo ku soo biiray caawimada horumarinta Somaliland, sidoo kalena ma jirin lacago miisaanka hore leekaa oo lagu yaboohay marka laga reebo mashaariic hore u socday oo lacagtooda lagu yaboohay.
Dadka arrimaha diblumaasiyadda odorosa ayaa arrintan ku macneeyey hoos u dhac ku yimid heerkii uu hore u taagnaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ay Somaliland la wadaagto dawladaha iyo haayadaha kala duwan ee danayneeya Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxaa iyaduna xusid mudan in arrintani ay ku soo beegmayso xilli uu Midowga Yurub hoos u dhigay heerkii joogitaankiisa Somaliland kadib markii uu dhowaan xafiiskiisa Hargeysa xidhay, marka laga reebo dhowr hawlwadeen oo si kooban u sii shaqaynaya.
Hoos-u-dhacan darajada xubnaha shirkan ka soo qaybgalay waxaa loo sibiri-saari karaa arrimo door ah oo ay ugu muhiimsantahay dalalka reer Yurub oo ay ka muuqato in ay qawadsan yihiin heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo aad dib uga dhacay xilligoodii iyo muddo kordhinta labada sannadood ahayd; in dareenkaas ay bulshada caalamku qabtana waxa ugu yar ee laga dheehan karayaa waxa uu ahaa hadalkii ay haweenayda ah ku-xigeenka ergeyga dawladda Denmark u qaabilsan mucaawimooyinka Somaliland iyo Soomaaliya si cad madaxweynaha hortiisa madashii kulankan ugaga hadashay muhiimadda dimuqraadiyadda, doorashada golaha Guurtida iyo doorashooyinka waqtigoodii dib uga dhacay oo ay walaac ka muujisay.
Hargaysa SDN/QJ