|

Beesha Caalamka oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka Codsatay Inuu Isku Dhiibo Ciidamada AMISOM si dalka loo badbaadiyo Amase inuu Qaato Go’aan Odhanaya……

Muqdisho 29. November 2016 (SDN/QJ):- Warar hoose oo Warbaahintu ka heshay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayan in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaday uu kulan leyeshey Wakiilo ka socda Beesha Calamka iyagoo ka wadahadalay,arimaha Doorashooyinka.

 

xasan-sheekh-oo-yaabanIlo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulan qaatay in ka badan Seddex saac la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

 

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Madaxtooyada Somalia, kaasi oo looga hadlaayay arrimaha doorashada Somalia, waxaana Madaxweyne Xasan la hordhigay inuu kala doorto 2 arrin midkood.

 

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Xassan ku amray kala doorashada laba arrin oo kala ah inuu qabto doorashada Madaxweynaha kama danbeys Bisha nagu soo fool leh (15 December) iyo inuu isku dhiibo Ciidamada AMISOM si dalka loo badbaadiyo ka hor inta uusan galin xaalad adag.

 

Qodobka la xiriira isku dhiibida ciidamada AMISOM ayaa waxa ay tahay mid halis galin kartaa nolosha Madaxweynaha hayeeshee waxaa haatan looga fadhiyaa go’aan inuu ka gaaro labada Arin.

 

Xubnaha kulanka ka qeyb galay waxa ay Xassan Sheekh u sheegen in Somalia ay iminka ku jirto Halis muuqata, sidaa aawgeedna loo baahan yahay in la badbaadiyo inta aanu dalka galin xaalad degdeg ah.

 

Wakiiladu waxa ay sheegen inaanu mar danbe aqbali doonin in dib u dhacyo aan ka fiirsasho laheyn lagu sameeyo doorashada Somalia, waxa ayna ku baaqen in la qabto doorashada kama danbeys bisha soo socta (15 December)

 

Wakiilada uu la kulmay Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh ay u qabteen ilaa 30-ka Bishaani inuu ku cadeeyo mowqifkiisa si go’aan looga qaato.

Comments are closed