|

Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka Gollaha Wadatashiga

Muqdisho November 21, 2024(QJ) – Saaxiibada Caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ay yeesheen.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka qaybqaataan doodo macno leh oo loo dhan yahay oo ku saabsan habka doorashada. Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa loogu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan NCC si ay wadahadal furan uga yeeshaan dhammaan arrimaha taagan iyo sidii loo soo celin lahaa xiriirka dowladda Federaalka.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay iska ilaaliyaan abuurista xiisad kale oo ay dib u bilaabaan wadahadal furan ka hor inta aan la dhamaystirin hab doorasho kasta.

Saaxiibada caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay u horumarin lahayd ajandaheeda dawlad-dhisidda, kaas oo ay ku jirto hamiga ah in lagu sii amba-qaado doorasho hal qof iyo hal cod ah iyada oo loo marayo hab doorasho oo loo dhan yahay. Tani waxay ku lug leedahay in la helo taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed labadaba, hagaajinta hababka doorashada, iyo dejinta jadwal macquul ah oo waqti-xiran oo doorashooyin ah oo loo dhan yahay, la aqbali karo, daah-furan, hubinaya amniga iyo xasilloonida qaranka.

Comments are closed