“..Beesha Caalamka Markaanu ka mid Noqono ayey Shuruucdoodu na qabanaysaa, Laakiinse waanu Tix-gelinaynaa Tallooyinka…” Xildh. Indho Indho
Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho indho)oo kamid ah Mudanayaasha Miisaanka ku leh aqalka Golaha Guurtida, ayaa Markii ugu horraysay ka hadlay sida ay guurti ahaan u arkaan Baaqyada kala duwan ee lagaga dalbanayo inay u hoggaansamaan Wakhtiga Guddida Doorashooyinku u cayimeen dhicitaanka Doorashooyinka Dalka laga rajanaynayo sanadka dambe.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inay si gaar ah utixgelin doonaan Baaqyada caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba, waxana uu tilmaamay inay dhegaysan doonaan Talo kasta oo ay muhiim u arkaan.
Mudane Indho indho waxa uu ka gabadday inay iftiimiyo natiijada laga fili karo Kulanka xaasaasiga ah ee Maanta Golaha Guurtidu iskugu iman doono, waxana uu hoosta ka calaamadiyey inaanay shuruucda caalamiga ahi qabanaynin dal aan aqoonsi haysanin,
“Somaliland ilaa Maalintii ay xornimada la soo noqotay waxaanu u ordaynaa waa inaanu ka mid noqono iyaga (Beesha Caalamka), laakiinse taas hore nooga may aqbalin, markaa dee Beesha Caalamka Markaanu ka mid noqono ayey Shuruucdoodu na qabanaysaa, iminkase waanu ixtiraamaynaa tallooyinka ay soo jeedinayaan Beesha Caalamka iyo Xisbiyaduba” ayuu yidhi indho indho.
Xildhibaan Indho indho, waxa kale oo uu ka hadlay qorshaha fadhiga ee Golaha Guurtida ee maanta loo wada dhegtaagayo go’aanka ka soo baxa ee Magacaabista Guddida Guurtida iyo dar-daaranka Shir-guddoonka, waxaanu yidhi “wali guddi lama saarin, arrintuna waa arrin Gollaha hortaala, oo guddoonka iyo golluhuba isaga imanayo, waxaan ka odhan karo hadana ma jirto, kamana hor dhacayo go’aanka Golaha ilaa meel laysla dhigo arrinta oo guddi la saaro”.
Waxa uu jawaab ka bixiyey Xildhibaanku dareenkiisa ku aaddan ka qayb-galka Loollanka Asxaabta ee Deegaamada uu ka soo jeedo ee SSC ama Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa yidhi “Dadka Goboladda Bari waa dad reer Somaliland ah Mucaarid iyo Muxaafidba xaqbay u leeyihiin inay galaan, waanan soo dhaweynaaya mar walba anigu”.
– Golaha Guurtida Somaliland ayaa la filayaa inay Maanta Guddi xaqiiqo raadin ah u saaraan Xaaladdaha ku gedaaman qabsoomid,a Doorashooyinka loo muddeeyey sanadka dambe badhtamihiisa. Golaha ayaa sida lagu waddo la soo hordhigayaa Qaraarka Guddida Doorashooyinku ku muddeeyeen Xilliga Doorashada, kaasoo noqon doona Halbeega qorshaha Daraaseynta arrimaha Doorashooyinka.
Dhinaca kale, iyadoo aanay wali Guurtidu fur-furin Bushqada go’aanka Guddida Doorashooyinka ayaa waxa soo gaadhaya dhambaallo loogaga digayo inay wakhti dheeraad ah ku daraan wakhtiga Guddidu cayimtay ee muddo dhaafku ku jiro.
SDN/QJ