|

“Beesha Abokor Axmed Oo 15000, Ruux Iska Diwaangaliyeen Way Ku Hungowday KULMIYE Waxayna U Digo Rogteen WADDANI” .Siyaasi Abgaal

Burco 28.October 2016 (SDN/QJ):-Beesha Abokor Axmed Baaruud oo kamid ah Beelaha Habarjeclo, ayaa cududoodi tageero waxay u weeciyeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Beesha Abokor Axmed oo kamid ah Beelaha ugu degaanka ballaadhan Gobolka Togdheer, xaflad ay ka soo qayb galeen Siyaasiyiinta , madax dhaqameedka, aqoonyahanka iyo dhalinyaradda beeshaas oo ka qabsoontay habeenkii xalay magaalada Burco ayay ku shaciyeen inay cududoodii tageero isugu geeyeen Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmameen inuu la biliyahay beesha Abokor Axmed.

beesha-abokor-axmedSiyaasi Cabdillaahi Axmed Dhuxul (Abgaal) oo kamid ah ganacsatada iyo siyaasiyiinta waa weyn ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in Beesha Abokor Axmed ku hungobeen Xisbiga KULMIYE oo ay muddo dheer beeshu tageero la garab taagnayd doorashooyinkii dalka ka soo qabsoomay.

reer-waddani“Beesha Abokor Axmed Baaruud oo 15000, oo ruux iska diwaangaliyeen oo la ogyahay cududooda 25-ka sanno ee ay Somaliland jirtay Koontiinar ayay Siyaasadda dalka kaga jirtay kowna waxa ka ah KULMIYE oo ay ku hungowday waxaanu maanta cadaynaynaa dib inaanay ugu jirayn, beeshu waxay cududoodii taageero ula guurtay Xisbiga WADDANI oo la bili ah oo ay ka helidoonaan wixii ay KULMIYE ka waayeen” . Sidaa waxa yidhi Siyaasi Abgaal.

Waxaa iyaguna munasibadaas ay beeshu ku shacinaysay inay u digo rogteen Xisbiga WADDANI oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 2000, oo ruux ka hadlay madax dhaqameed , haweenka iyo Aqoonyahan kala duwan .

Xisbiga WADANI ayaa saami mugleh wuxuu beesha Abokor Axmed ka siiyay xunaha Golaha dhexe iyagoo ku leh 4 xubnood , halka uu u ballanqaaday xubno inay ku yeeshan Guddida Fulinta Xisbiga iyo Xoghayaasha, haddii uu Xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashadana ay beeshu ka helidoonto saami u qalma sida laga shaaciyay xafadii xalay .

Comments are closed