Beeraleyda Qaadka Kenya oo u hanjebay dawlada Britian,maxey tahay sababtu?
Nanyuki June 01,2014(SDN/QJ)-Beeraleeyda Qaadka ee dalka Kenyaa ayaa hanjebaad u diray dawlada dalka Britain.
Nin sheegtay in uu u hadlayo beeralaeyda dalkaas eek a soo jeeda Qabiilka Meru oo la yiraahdo Machuma ayaa hanjabaadan jeediyay.
Beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya ayaa aad uga careysan goaan ay dawlada dalka Britain ku mamnuucday maan dooriyaha Qaadka.
Machuma ayaa sheegay In gaanka ay dawlada Kenya ku mamnuucday qaadka uu ka dhigan yahay iclaamin dagaal.
“Hadii ay na dhegeysan waayaan ,waxa ay Kenya ku leeyihiin xeryo ciidan waa in ay ka baxaan,hadii ay si nabada ku bixiwaayaana colaad bey ku bixi doonaan”ayuu yiri ninkan u hadlay Qabaailka qaadka beera ee Kenya.
Dawlada Kenya ayaa olole dheer dabadii waxa ay goaansatay in dalkeeda ay ka mumnuucdo Maandooriyaha Qaadka.
Beeraleyda Kenya ee Qaadka ayaa sanad walba ka sameenayay £13.8m oo ah sababta sidan uga hadal siineysa beeraleyda Kenya.
SDN/QJ-Nanyuki
contact@somalidiasporanews.com