|

Beeralayda iyo Dadka ka ag dhow Wabiyada Mara Soomaaliya oo bilaabay Qaxitaan DHAGAYSO

Shabeelaha dhexe 11,May  2016 (SDN/QJ):- Dadka beeralayda ah ee ka faa’iidaysan jiray biyaha Wabiga ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa bilaabay inay isaga cararaan beerahooda iyo dhulka joogiisu hooseeyo kadib markii fatahaadii ugu horaysa wabigu uu gaystay xiligan.

 

FATAHAADA WEBIYADAMadaxda dawlada federalka Soomaaliya gaar ahaana waaxda ka horta abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ayaa sheegtay inay horay u bixiyeen digniino ku aadan inay dadku ka fogaadaan wabiyada sidoo kalana ay hada ka cabsi qabaan fatahaado waaweyn oo ka yimaada dhulka joogiisu sareeyo ee wabiyadu ka biyo keennaan.

 

Dhawaan ayaa sidan oo kale hay,ada FAO,ay u soo saartay digniin ku aadan dhanka wabiyada iyo fataahada iyadoo sheegtay inay dawlada federalka Soomaaliya u diyaar garowdo fatahaada ay samaynayaan wabiyada sidoo kalana ku baaqay inay dadku isaga fogaadaan aaga Waabiyada.

 

Qoysaska ka agdhow Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay qax kadib markii daad bilow ah ay kusoo ragmadeen dadkaasi waxana ay sidoo kale sheegeen inaysan jirin cid ka naxaysa oo masuul ka ah.

Comments are closed