Beelweynta Isaaq Ee Kilinka Shanaad Waxay Canbaaranaysaa Xasuuqa Liyuu Bolis Ka Wadaan Deegamada Gaashamo
Waxayna Ugu Baaqayaan Dawlada Federalka Ee Ethiopia In Aan Hubkeeda Lagu Layn Muwaadinin Ethiopianka Ee Labaatankii Sane EPRD Talada Ethiopia Haysan Aan Xabad Ku Ridin.
Gudoomiyaha QurbaJoogta Belweynta Isaaq Kilinka 5. Ibrahim Xasan Dahir
Hadii aanu nahay Bahweynta Isaaq ee Kilinka Shanaad waxaanu magac iyo maamuus ku lahayn nabad iyo degaanaansho daris wanaag aanu kula dhaqnayn dhamaan qaybaha kala gadisan ee kilinka shanaad, waxaanu dawlada Ethiopia gacan weyn ka siinayn sugida amniga dhul balaadhkiisii balaadhaan yahayoo aan labatankii sano ee EPRDF Talada Ethiopia haysay aan xabad qudha laga soo ridin.
Beesha Isaaq ee Kilinka Shanaad waxay amniga goobaha ay dagto ka gaystay nabadayn xoog leh iyagoo uga dhaartay jabhadii ONLF in ay cagta soo galiso marna may dhicin in cid ka tirsan cidamada Ethiopia wax wax yeelo ah loogu gaysto. Waxayna gaadh ka hayeen deeganak baxada leeg iyagoo aan wax gacana ka helin.
Waxase wax laga naxo ah wareerka qawan iyo falalka cawaanimada leh ee lagula kacay dadka deegaan kaas oo nabad ku noola mudadii ugu danbaysay. Dagaalada lagu xasuusqaya dadka deegaankaasi waa kuwa u muuqda in dadkaas lagu baro kiciyo, kuwa dawlada Ethiopia la doonayo in la galiyo dagaal daba dheerada, dad rayidana lagu xasuuqayo kuwaas oo aan waxba galabsan.
Dawlada Federalka Ethiopia waxaa la gudbon in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhex gasho dhibaatan baxaada leh ee bili aadmino ciidamada Liyu Boliska oo aad mooda in ay ku urursan yihiin beel gaari laga saaro deegamadaas lana keeno cidaamo Federala. Ethiopiana waa in ay il gaara ku eegtaa colaada iyo balaayada ay abaabulayaan dadka ku mamay dhiiga aadmaha. Ethiopiana manta ma rabto rabshad iyo dhiig u daadaa dan qabiil iyo ujeedo aan u daynayn daganaanshaha dadka iyo dalka Ethiopia.
Qurba joogta Beelweynta Isaaq Ee Kilinka Shanaad, waa in ay u kacaan gacan siinta walaalahooda ku barakay lagu dilay xasuusaqa ka dhacaya deegamadaaas. Waxaana looga fadhiyaa in ay baaqyo cambaarayna soo diraan, in ay qoraalo u kala diraan safaradaha ay kala dagan yihiin ee safaradaha Ethiopia iyagoo u sharaxa dhibta jirtaa halka ay ku lug leedahay iyo ujeedada laga leeyahay.
Qurba joogta waxaan u soo jeedinaynaa in ay isku tagaan codkooda mideeyaan oo ay iskku abaabulaan si nidaamsan oo loo adeega dadka reer miyiga ah oo xaqoodii iyo dhulkii ay lahayn lagu soo duulay, waa in aynaan ka gaabin ee aynu ku dhawaaqno
1.XASUUQA oo aynu xus u samayno.
2.Gabayo iyo sugaan.
3.Samayn websiteyo aynu ku yeelano kilinka shanaad
4.Diridada Dhambaalo Tacadiga kaga waramaya meesha ka dhacay oo loo kala diro safaradaha Ethiopia
5.In Dhacdada Ka Dhacay Degamadaasi aynu u gudbino Amesty International