|

Beelo dagaalamay oo madax dhaqameedkooda la kulansiiyay

Garowe July 02, 2024(QJ) -Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guuleystay inay isku keenaan odayaal iyo waxgarad ka kala socday labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay Galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaano, wasiirro heer gobol iyo degmo iyo taliyeyaal ciidan ayaa guulo la taaban karo ka gaaray fidinta gogosha nabadeed ee hordhaca ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa faah faahin ka bixiyay waan waantii lagu guuleystay ee la doonayay in lagu xaliyo colaada ka taagan Galbeedka Mudug.

“Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno odayaasha labada beelood ee walaalaha ah si aan u bilowno wadahadal lagu xallinayo colaadda ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo maalmo ka hor ay labada dhinac ku heshiiyeen in ay joojiyaan colaada ka dib dagaalo sababay in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo deegaanadii ay colaadu ka dhacday ee galbeedka gobolka Mudug.

Leave a Reply