|

“Beelna anigu uma ahi Musharax waxaanse Musharax u ahay Somaliland oo dhan” Wasiirka Arrimaha Dibada DAAWO

Hargaysa 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay Go’aankii ay Shalay Guddida Beesha Sacad Muuse ee HOODAALE ay ku kala reebeen Musharixiinta Beeshaasi ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu tilmaamay inuu Musharax yahay marka uu Madaxweyne Siilaanyo hankiisa Siyaasadeed dhamaysto.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Shalay galabta Dalka ku soo laabtay, ka dib Safar uu ugu maqanaa Dalka Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in Siyaasi kasta oo han leh uu ka dhex-tartami karo Xisbiga KULMIYE.

Waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Gole dhexe ayaa jira Qof walba oo reer Somaliland ah ee doonaya inuu Doorasho u tartamo Xisbiga KULMIYE ayuu ka dhex tar-tamayaa, Beelina waxba ma goyso,Beelna anigu uma ahi Musharax  waxaanse Musharax u ahay Somaliland oo dhan weliba anigu waxaan Musharax ahay marka uu Madaxweynuhu hawshiisa dhamaysto dabadeed. Markaa Shacabka reer Somaliland oo dhan-baan codka ka rabaa Beel yar oo kooban kama rabo.”

 

Comments are closed