Beelaha Soomalida ee Woqooyi Bari Kenya oo ku heshiiyay nidaam awood qeybsi siyaasadeed
Wajer Aug 13,2012(SDN)-Beelaha Soomaalida ee Woqooyi Bari Kiinya ayaa heshiis ku gaaray nidaam awood qeybsi oo ay ka gaareen nidaamka soo xulida xubnaha baarlamaanka Kiinya degaanka uga qeybgaleya.
Beelaha Soomaalida ee Kiinya ayaa inta badan colaadi dhexmartaa kolka la galo ololeyaasha dooroshooyinka dalka Kiinya.
Heshiiskan aaa meesha ka saaraya colaada tartamada doorashooyinka baarlamaanka dalkaasi.
Beelaha Soomaalida ee Ogaadeen,Ajuuraan iyo Degoodiye oo ah beelaha heshiiska gaaray ayaa qeybsan doona tirada xubnaha baarlamaanka Kiinya ee gobolka iyo degaanadooda loo qoondeeyay.
Dadka u kuurgala siyaasada Kiinya ayaa qaba in tilaabadan tahay mid soo raagtay oo wakhtigeedii la soo dhaafay,ayna aheyd in beelaha Soomaalidu ay kal hore heshiis noocan gaaraan.
SDN-Wajer
contact@somalidiasporanews.com