Beelaha Hargeysa Iyo Hawd Oo Ka Baxay Balan Ay Caawa La Lahaayeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Haldoorka Beelaha Arab ayaa ka Hadlay Sababta ay u Baajiyeen Kulan ay caawa la lahaayeen madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasoo ay sheegeen inuu dhexdhexaadnimaddii uu balan-qaaday ee Murashaxiinta Kulmiye dhexdiisa ku tarmaaya uu ka baxay.
kulanka oo ku saabsanaa sidii ay Madaxwaynaha ugala hadli lahaayeen inuu dhex u noqdo musharaxiinta ku loomaysa xisbiga KULMIYE,iyagoo taabacsan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa Md Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayay sheegeen inay qaadaceen oo ay balantaas ka baxeen,kadib markii ay arkeen in Madaxweynuhu ka badheedhay taageeradda uu siinayo Guddoomiyaha KULMIYE.
Dhanka kale musharax kijaandhe oo kamida musharaxiinta xisbiga kulmiye islamarkaana ay taageerayaashiisa ahayeen haldoorka beelaha arab ee kulanka la lahaa madaxwyanaha ayaa noo xaqiijiyay in kulankaas la baajiyay ilaa iyo marka ay wax kala cadaanayaan
dhanka kale xildhibaan kijaaandhe wuxuu madaxwaynaha somaliland ugu baaqay inaanu ku dhex milmin loolanka musharaxiinta kulmiye maadaama oo uu ahaa aasaasihii iyo odaygii xisbigaba
Si kastaba ha ahaatee madaxwayne siilaanyo ayaa u muuqda inuu lumiyay kalsoonidii musharaxiinta kulmiye kadib markii uu si toosa ula saftay garabka koornayladda ee uu hogaaminayo gudoomiyaha kulmiye balse warsaxaafeedka ay soo saareen haldoorka beelaha arab ee caawa madaxwaynaha kulanka la lahaa ayaa lagu sheegay in hadii madaxwayne siilaanyo ka noqon waayo go’aankaas ay qaadi doonaan talaabadda ugu dhaw ee ay ka qaadan karaan go’aanka madaxwyanaha