BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE OO SI BUUXDA U TAAGEREYE GO’AANKA KOOXDA ILAALADA QARAMADA MIDOBEY “ MONITORING GROUP”
Shir deg de goo ay yeesheen Aqoon yahannada , Siyaasiyiinta, Dhaqankii soo jireenka ahaa, Culama’uddiinka, Haweenka iyo Dhallinyarada Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku sugan Gudaha Somalia iyo dibada waxey si qeexan uaga doodeen Warbixintii uu soo saarey Guddiga Dabagalka Qaramada Midoobey eek u saabsanaa Xogaha dhabta ah ee ka jira Somalia iyo Dembiyada lagu soo eedeeyey Madaxda TFGda, dood dhher ka dib waxey soo saareen go’aanada soo socda:
- Beelaha Digil iyo Mirifle waxey si buuxda u taageereen Warbixinta Guddiyada Ilaalinta arrimaha Somalia ( UN Monitoring group ) oo lagu soo eedeeyey Madaxda TFGda.
- Waxey ayideen in barista laga warsugo , lana waafajiyo Sharciga iyo qawaaniinta Xeeraka Ciqaabta, lagana warsugo inta Dacwaddaas ka dhamaaneyso.
- Waxey si buuxda u taageereysa War Murtiyeedkii ka soo yeerey Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Somalia Dr A. Mahiga ee ku yiri “ Madaxda TFGda waa iney si sharciga waafaqsan isaga difaacaan eedaha loo soo jeediyey oo aysan ku ekaanin doodooda arrintaas waa Been oo keliya.
- Beelaha Digil iyo Mirifle waxey u caddeynayaan Shacabka Somal;iyed in Shariif Xassan uusan weligiis si sharci ah iyaga u mathalin ee uu ahaa Nin ku soo galey Siyaasadda si khayaano ku saleysan, soona afduubtey intii markaas ku jirtey arrimaha Jabhadeynta iyo Siyaasad Xumadii Somalia laga soo bilaabo 1990kii ilaa iyo.
- Waxeyna Caddeyneysaa in Shariif Xassan uu ka galey dembiyo fara badan Beelaha Digil iyo Mirifle iyadoo ay jiraan xitta dembiyo Xasuuq ah ka dib markii uu 1993-1994tii Raashinkii lagu bad baadin lahaa boqolaalka kun ee Abaaruhu tabaaleysey uu Suuqyada Muqdisho , Kenya iyo Ethiopia u iib geystey isagoo qandaraas Daabuleynta Raashinka ay ku siisey Hay’addii gar gaarka ee UNka markaas oo uu lahaa Hay’adda AL AHLI, markhaatiyo ku filanna waa loo haayaa haddii loo baahdo.
- Wuxuu iibsadey Jagooyinkii Siyaasadda ay ku lahayd Beesha Digil iyo Mirifle min Xildhibaan , Wasiir , Taliye Ciidan , Safaarado ilaa iyo inuu hadda soo Uruursadey Dhaqan Been abuur ah ee uu ku soo Xareystey Muqdisho kuwaasoo uu ku doonaayo iney u soo xulaan Xildhibaano si uu ugu soo noqdo Siyaasadda , halkaasna ugu sii wado dhaca iyo Xatooyada Hantida Qaranka iyo tan Shacabkaba.
- Beesha Digil iyo Mirifle waxey Ummadda Somaliyed u sheegeysaa inuusan Shariif Xassan Mathalin, dembi kasta ee uu Beel Somaliyed ka gala ama Dalka , Diinta iyo Deegankaba ka gala uu isaga si toos ah u qaadanaayo mas’uuliyaddeeda haddii ay gaarto gar noqid iyo gogol Somaliyed maxaa yeeley waa la wada ogsoon yahay Shariif Xassan iyo Kooxda uu isticmaalo iyo inta ku taageersan Dembiyada uu ka gelaayo shacabka Somaliyed.
- Beelaha Digil iyo Mirifle waxey u arkeen iney tahay arrin laga Xishoodo, lagana Xumaado Ereyada lagu difaaci rabo madaxda TFGda oo ka soo yeerey Midowga Afrika AUda iyo Madaxda AMISOM taasoo sii fogeyn karta Kalsoonidii Liidatey oo Shacabka Somaliyed u haayaan AU, IGAD, AMISOM maxaa yeeley waxey caddeynayaan iney Raalli ka yihiin Daca , Boobka, Dulmiga lagu sameynaayo Shacabka Somaliyed oo dhowr iyo labaatan sano lagu haystey Qori Caaraddiisa.
- Shariif Xassan Raadkiisa weli wuu qooyan yahay laga soo bilaabo hawshiisa Timo jarenimo, jeeblenimo, jaad walenimo, qab qable dagaalnimo, qandaraas xaaraanimo loogu soo taajirey, lunsasho Hantidii Baarlamaanka, lahaanshaha Bakaal, Shirkadda Al Ahli, Diyaaradaha Jaadka iyo Mukhaadaraadka, Raashiinkii Mucaanada oo la lunsadey, Lacagihii laga soo qaadey Iran, dalalka Carabta , tii lagu soo daabacey lacagta faalsada ah ee Suudan, waxey intaas oo dhan xaqiijinayaan iney tahay lagama maarmaan in la hor-geeyo Maxkamad Caalami ah si loogala xisaabtamo dembiyada lagu soo eedeeyey si ay tusaale ugu noqoto Madaxda dambe ee Somalia ineysan ku deg deign dembiyada noocaas ah, loona helo Madax Dawladeed oo nadiif ka noqota Dembiyada ay jideysteen Shariif Xassan iyo Kooxdiisa, taariikhdana ay ku qori doonto BAAL MUGDI AH.
- Beelaha Digil iyo Mirifle waxey diyaar u yihiin iney kaalintooda kaga aadan Xalka Somalia si buuxda u gutaan, Cadaaladdana ay ehel u noqdaan, lana dagaallamaan Musuq Maasuqa iyo wax is-daba marinta, una gudbiyaan Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Caddaladda waxii maclumaad ah ay ka haayaan Shariif Xassan nooc kastaba ha ahaatee min Dokumenti ilaa Markhaatiyaal.
- Waxaan Ummadda Somaliyed ugu baaqeynaa in lala dagaallamo inta Dulmiga wado oo aan loo difaacin Qabil iyo Qansac dartiis maxaa yeeley haddii aan dulmiga meel looga soo wada jeesanin , Raxmaddii Ilaaheey ma heleyno , addunkana waa inoo khasaaro , aakaharana Tuugadaan ayaan Saf la geleynaa Allaha naaga koriyee, amiin