|

Beel Shaacisay inay ka baxeen Garab u ahaanshihii Punt land,Wiilashoodana ay kala soo Baxayaan Magaalada Gaalkacayo DHAGAYSO

Gaalkacayo 10. October 2016 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay Beesha Leelkase ayaa ka Hadlay Dagaalka ka Socda Magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay inay Beesha leelkase Dagaalka Ka Baxday Wiilashoodana kasoo kaxaysteen Goobta Dagaalka

Afhayeenka oo ku Sugan Galdogob ayaa Sheegay in Puntland Dooneyso in ay isku Dirto Labo Beelood oo Gaalkacyo daggan Leelkase iyo Sacad.

Afhayeenka Beesha leelkase Cabdi Fitaan Cali Cawaale oo Arintaasi ka Hadlay ayaa Sheegay in Beesha Dhexdeeda Ay kulan Yeelatay islamarkana Laf Walbo ay Wiilkooda kala Soo Baxayaan Dagaalka,

Waxa uu ka Hadlay Hadalkii Puntland kasoo Yeeray ee Ahaa in Shabaab La dagaallamayaan isagoo Sheegay in Puntland Wax Walbo iskaga galgalato, sheegayna inay dhaqaalo ku bixineyso Dagaalka.

“Dagaalkaasi wuxuu ahaa mid Hal dhinac ah, waxaan ka beel ahaan sheegaynaa in annaga dagaalka ka baxney, nin walbana wiilka uu dhalay meesha kasoo kaxeysanayo” ayuu yiri Afhayeenka

Hadalkaan kasoo yeeray Beesha Leelkase ayaa dhabar jab weyn  wuxuu ku noqonayaa maamulka Puntland oo beeshan awood ciidan ka haystay, waxaana sidoo kale fadeexo ku noqoneysaa maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka Gaalkacyo uu u dhaxeeyo Puntland iyo sidoo kale Al-shabaab, balse hadda waxay beesha leelkase caddeysay in dagaalka yahay Sacad iyo Majeerteen.

Comments are closed