|

Baydhabo:Shirka Garabka Dawladdu Taageersan tahay oo Gebogebo Ku Dhaw iyo Shariif Xasan Oo Hoggaanka u Haya Musharixiinta Madaxtinimada

Baydhabo:05-March-2014(SDN)-Kooxda Labaad ee Shirka Lagu Dhisay Maamulka ka Kooban Saddexda Gobol ayaa Lagu Wadaa inay 24-ka Saacadood ee Socda ay Doortaan Madaxweyne iyo Ku Xigeenba.

saddexiiWararka ay Helayso Qurbejoog.com ayaa Sheegaya inuu Shariif xasan oo hore u ahaan jirey Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somalia uu ugu cadcad yahay ragga Madaxtinimada Maamulkaas loo Dooran Doono, iyadoo Xukuumadduna si weyn u taageersan tahay inuu Mansabkaas qabto.

Inkastoo ay Dawladdu Taageero u muujinayso Dhanka aan wali is dooran, haddana waxa Taagan Warwar muuqda oo ay ka qabto Kala Jabka ku yimid dadka deegaanka ku Nool oo Haddii ay sidan ku sii wadaan ay caddahay in xaalad dagaal iman karto balse wali wax tallaabo ah ma ay qaadin.

Dawladda ay lagu Eedaynayaa inay Dhibkan masuul ka Tahay, maadaama ay ka gaabisay inay Maamullo lagu Kalsoon yahay  ay Gacanteeda ku Abuurto, waxase aan la garanayn meesha ay ku Damabayn Doonta Kala Jabka ku yimi Shacabka Deggen Goboladaas.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed