|

Baydhabo oo lagu doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

Baydhabo Mar 28,2014(SDN)-Waxa magaalada Baydhabo lagu doortay madaxweynaha maamul Goboleeedka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Maxamed Xaaji Nuur oo ka koobnaan doonaan gobolada Bay Bakool Gedo, Shabeelaha Dhexe,Jubooyinka Hoose iyo Dhexe.

Shirka madaxweynaha lagu doortay oo magaalada Baydhaba ka socda mudo ayaa wax aka qeybgalay in ka badan 700 oo xubnood.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa amniga degaanadan la ii doortay in aan hogaamiyo waxaana la dagaalami doonaa kooxda Al Shabaab ee weli ku sugan degaanada qaar” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Xaaji Nuur doorashadiisii ka dib.

Shirarkii lagu soo dhisay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wax aka dhashay khalalaase faro badan oo dhimasho sababay.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo damac ka lahaa hogaanka maamulkan cusub ayaa Baydhabo isaga baxay ka dib kolkii uu muran siyaasadeed dhexmaray madaxweynaha cusub.

Dawlada Soomaaliya Ayaan ka hadal dhismaha iyo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

SDN-Baydhabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed