Bayaan: Aqoonyahanka, Dhalinyaradda iyo wax garadka Degmooyinka Maxamuud haybe iyo maxamed Mooge oo Digniin Culus u diray Xukumadda Somaliland, Golaha Deegaanka Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka
Hargeysa Jan 27,2015(SDN/QJ)-Gollaha Qalinka Dauud ayaa bayaan ay ka soo saareen dhacdadii ciidamada Dawlada ay isku deyga dhul boob ka sameeyeen xaafada Masala Hargeysa, Gollaha ayaa dhaleeceen Ba’an u jeediyay xukuumada, Ciidanka iyo Gollaha degaanka Hargeysa, qoraalka oo dhameystran ayaa sidan u dhignaa;
Horudhac:
Guud ahaanba dalka somaliland gaar ahaana caasimadda hargeisa waxa dib u soo cusboonaaday lunsiga hantida dadweynaha iyada oo lagu jiro waqti ay soo kordhayso baahiyaha loo qabo helitaanka dhul dheeraad ah oo loo bixiyo danta guud sida garoomada cayaaraha,Goobo Caafimaad,saldhigyo, suuqyada iyo sayladaha xoolaha si loo hore mariyo adeega bulsha kasta oo horumar hiigsanaysa ay mutaysatay.
Iyada oo ay biyo kama dhibcaan tahay in laga hadho baadigoobka loogu jiro horumarka bulshada ayey yaab iyo amkaag ku noqotoay bulsho weynta reer somaliland in hantidii danta guud ee qaranka la caadaystay boobkeeda tusaale ahaan dhacdooyinkan isdaba joogga ah ee lagu baloodhaystay xeradii ciidamada ee 24aad iyo garoomadii kubadda cagta ee xaafadda Masalaha.
Waxa sidoo kale xusid mudan maamul xumada iyo karti yaraanta haysata maamulka golaha deegaanka ee caasimadda oo ka masuula gabaabsiga dhulkii danta guud ee caasimadda oo aynu isla wada ognahay in qorshaha ku tala galka caasimadda ee dhul bixintu ahaa in dhulkasta oo muwaadin loo sharciyeeyo laga jaro 30% dhulkaas oo danta guud loogu talagalay laakiin nasiib darro caasimadda.
Hab dhaqankan cusub ee badheedhka ah oo aan caddaalad ku dhisnayn isla markaana ay ka midaysan yihiin taliyaha ciidanka qaranka, wasiiro awood badan leh iyo maamulka golaha deegaankuba waa arrin ugub ku ah dalka oo loogu talagalay in lagu dulmiyo xuquuqda muwaadiniin gaar ah sidaa daraadeed hadii aan maskax iyo xikmad lagu darin waxaa ka dhalan doona cawaaqib xun oo aan la sii saadaalin Karin sida khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba.
Sidaa darteed, rajadii iyo kalsoonidii dadku waxa ay ku dhawdahay gabaabsi waxaana marag u ah cabashooyinka isdaba joogga ah ee ka soo yeedhaya qaabkii loo maamulay warshada laydhka ee hargeisa iyo weliba gobolada somaliland sida Awdal Iyo Saaxil
Iyadoo ay maanka ku hayaan arrimahan kor ku xusan iyo tabashooyin ugaar ah beesha, waxa ay golaha aqoonyahanka iyo dhalinyarada beelaha da’uud Ismaaciil( Ciidagale) soo saareen qodobadan:
Qodobo:
1. In xukumadda somaliland qaado taaloobiyin degdega si wax looga qabto musuqmaasuqa dhulboobka iyo wax isdaba marinta ka taagan xaafadda Masalaha.
2. Heshiiska bulsho ee Somaliland isu hayaa laguna kala dambeeyaa waa Dastuurka qaranka, waana ticraaca keliya ee ay tahay in loo wada hogaansamo, sidaa daraadeed ogolaan mayno in dhulkii danta guud ciidamadu seestaan oo xoog la isku maquuniyo.
3. Xaafadda masaluhu waxa ay xaq u leedahay in dhulka banaaan looga dhiso goobo caafimaad, sariibado iyo adeega bulshada ee kale intaa wixii kasoo hadha waxaa dhulka loogu deeqay Dhismaha Jidka Wadada Cad.
4. Caddaalad darradu waa sababta dawladnimadda ragaadisa kana dhigta mid aakhirka guul-daraysata. Maanta geyiga Somaliland waxa ka muuqda saansaan aad u foolxun oo ay keentay caddaalad xumada jirta 5. Waxa ayaan darro noqotay Wasaarada Cayaaraha oo gudan kari weyday waajib keedi oo ka door biday isku dirka iyo kala fogeynta ururada dhalinyarada maxaliga ah.
Gebogebo:
1. Waxaanu halkan ka cadaynayana in dhulka wixii taarka ka sokeeya yahay dhul ay xaafada Masaluhu leedahay oo aan marnaba muran geli Karin ciidamaduna ku eekaadaan xeradooda. 2. Waxa aanu ku baaqaynaa hadii xukumaddu wax ka qaban weydo ilaa Jimcaha in MUDAAHRAAD balaadhan la isugu soo baxo.
3. Haddii Ciidamadu isku dayaan in ay ku fuliyaan dhul boobkan hadda taagan xoog iyo is muquunin, waxaanu ogeysiinaynaa in dawladdu masuul ka noqon doonto cawaaqib xumada ka timaada. 4. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka in ay is hortaagaan oo aanay ogolaan in la marsiiyo dhulboob sharci darro ah 5. Waxaanu ugu baaqaynaa axsaabta qaranka iyo Gole yaasha sharci dejinta in ay ka hortagaan qalaalase dalku galo oo horseeedi kara mushkilado hor leh iyo khal-khal siyaasadeed oo daba dheeraada.
Allah Mahadleh Qalinka DAAUUD