Barre Hiiraale Oo Sheegay In Kismaayo uu u tagay xalinta khilaafka taagan halkaasi
Kismaayo April 27 2013 (SDN)– Barre Aadan shire Barre Hiiraale oo ah siyaasi Soomaaliyeed saameyna ku leh arimaha Jubbooyinka ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose wuxuu sheegay inay suuragal tahay inuu xaliyo khilaafka ka dhextaagan Dowladda iyo maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo.
Barre Aadan Shir Barre Hiiraale ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in cid waliba oo tabanaysa dhibaatooyin inay la xiriiraan Dowladda Soomaaliya si xal looga gaaro dhibaatooyinkaasi,isaga oo dhankiisa xusay inuusan meesha ka marneyn xalinta dhibaatooyinka ka taagan Kismaayo.Ujeedka Kismaayo uu utagay ayuu ku sheegay Barre Hiiraale inay tahay ka shaqeynta Nabadda iyo dhexdhexaadinta arimaha Jubbooyinka,wuxuuna si adag meesha uga saaray in dagaal oognimo uu utagay Magaalada Kismaayo.
Barre Hiraale oo aan si shaacsaneyn ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa markii uu tagay Magaaladaasi waxaa soo ifbaxay hadalo kala duwan oo dadka ay ka bixiyeen ujeedka tagitaankiisa,iyadoo qal-qal dhanka siyaasada ah uu soo wajahay masuuliyiinta Kismaayo ku sugan.
SDN- Kismaayo