Baroordiiq Ottawa lagu xusay noloshii Dr CabdiShakuur Sh Cali Jowhar
Ottawa May 20,2012(SDN)-Waxaa magaalada Ottawa sabtidii isugu soo baxay dad aad u fara badan baroordiiq loo sameeyay Dr CabdiShakuur Sh Cali Joohar. Baroordiiqaaso ay qabanqaabadisaa ay ka soo shaqeeyeen gudoomiyaha Wadani ee Ottawa, CabdiNassir Haji Abbas, Harowo Sh Cumar God, Gudoomiyaha jaaliyada Ottawa Abshir Nur, Safiirka Somaliland ee Canada Lula Ahmed Osman Julian. Dadweynihii meeshaa ka hadlay oo uu ku jiray marxuunka (AHN) walaalkii CabdiSabuur Sh Cali Joohar iyo rag iyo dumar ay classmates ahayeen, ayay waxay xuseen siduu nolosha marxuunka ay ugu dheehnayd wanaag raadis iyo waxqabad u marwalba dadkiisa uu wax ugu qabanqabanayo.
Fagaaraha barrordiiqaasi ka dhacay ayaa waxaa run ahaantii soo buux dhaafiyay dad badan oo gobol walba oo Somaliland ah ka soo jeeda tasoo tusaale weyn u noqotay sida marxuunka shaqsiyadiisa iyo ficilkiisa ay dadku u xushmeeyaan.
Laakin waxaa naasib daro noqotay inay kooxdii Qurbomeer State ay isku dayaan in meeshi ay carqalad galiyaan. Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi iyo gacanyarahiisa sakhraan Suleiman Abdi Dugsiye ayaa meesha iska soo xaadiriyey laakin mudo ka yar 10 minutes kadib si cadho ah uga baxay baroordiiqa. Taas waxaa sababay mar uu Harowo sh Cumanr Good yidhi “waxaan mahad u celinayaa Safiirka Somaliland ee Ottawa, Lula Julian” . Markii u maqlay erayga Somaliland ayay Rashiid iyo Saleemaan meesha ay ka carareen iyagoo sii jiidhay dadkii irida ka xigay.
Mar ay dad dibada jooga oo baroordiiqa ku soo eeganaa waydiiyeen waxay meesha ay uga si socdaan ayuu Qurbomeer Rashiid yidhi: “meeshuu waxaa loo baroordiiqayaa muwaadin reer Awdal State ah. Ee maxaa keenay Somaliland in laga yidhaahdo fagaarahan?. Maxaa gudoomihaya jaaliyada Somaliland iyo Safiirka Somaliland fadhiisiyay miiska dadka ka hadlaya baroordiiqa?”
Ereyadaa nacasnima ah ayaa dadku ka argagaxeen iyo sida Qurbomeer State ay isugu dayayso inay siyaasadayso tacsidisa iyo baroordiiqa Dr CabdiShakuur.
Mar hore ayay Qurbomeer State ay ka baayacmushtaraysay geeridii naxdinta lahayd ee Dr CabdiShukur iyagoo marmasiiyo uga dhigay fashil ku yimid xaflad ay Ottawa ka dhigayeen. Sida lawada ogsoon yahay Qurbomeer State ayey lasoo daristay daqaalo xumo baahsan iyagoo awoodi waayay inay kharashka xafladooda ay u babac dhigaan. Markii ay hoboladii iyo hotelkii ay bixin kari waayeen ayay geeridii CabdiShakuur qiil uuga dhigeen fashilaadooda.
Waa naasib daro inay Qurbomeer State sharaftii marxuunka ay meel kaga dhaceen iyagoo ninka sumcadaa leh oo run ahaanti u qalmin xagxagasho taa la mid ah ay geeridiisa u isticmaaleen si fool xun fagaarihii baroordiiqana dhaqan xumo ku soo abaareen.
SDN-Ottawa