Baroor-diiqa Nelson Mandela oo ay ka qeybgelayaan Madaxdii ugu badaneyd ebid ee goob isugu tagta
Johannesburg Dec 10,2013(SDN)-Baroor-diiqa Madaxweynihii u horeeyay ee nidaam dimuqraadiyadeed lagu doorto dalka Konfur Afrika ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu daawasho iyo ka qeybgalka badneynd ee ebid dunida ka dhacda.
Maalinta berito ayaa lagu wadaa in baroor-diiq loo sameynayo Nelson Mandela in ay ka qeybgalaan in ka badan Boqol ka mida madaxda dalalka Caalamka ugu waaweyn.
Qaarada Africa ayaa waxa Baroor-diiqa uga qeybgeleya 54 madaxweyne.
Waxa lagu wadaa Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo madaxweynihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro in ay khudbado ka jeediyaan Tacsida.
Aaskii baaderigii Masiixiyiinta ee Pope John ayaa aheyd mid ay sidan oo kale ay madax fara badani ka qeybgashay.
SDN-Johanesberg
contact@somalidiasporanews.com