Baro 39-Sifo Oo Shacabka Soomaaliyeed ku Qeexeen Dawladda Xasan ee Sanad-jirsatay
Muqdisho:11-Sep-2013(SDN)-Dawladda Xasan Sheekh Xasan Maxamuud, hadda waa ay sanad jirsatay, waxana wali aan la isku waafaqsanayn tallaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadday xukuumaddu, iyadoo dadweynuhuna ka bixiyeen sifooyin kala duwan.
Sifooyinka kala duwan ee Shacabka soomaaliyeed ku sheegaan dawladda xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah qaar aad u kala fog oo aan isku dhaweyn, haddaba bal nala eega sifooyinka badan ee aanu maanta idiin soo xulnay.
1-Waa Dowlad aan Wasiiradeeda aan la arkin oo aan Xafiis Fadhiisan.
2- Waa Dowlad ku fiican sida wax loo Camabaareeyo marka ay Dhacaan Qarax iyo Dilal
3- Madaxweyne Xasan Shiikh waa Madaxweynihii ugu fiicnaa ee na soo mara marka waxaan leeyahay Dadka Mucaaradsan Waa la Doogiye yaan la Dacaroon
4-Waa Dowlada Difaac ku Ururtey waayo waxay Xidhey Wadooyin ku yaal Muqdisho oo Shacabku mari jireen, markaa maxay Dhaantaa Dowladii Shiikh Shariif ee Dhufeysyada Badneyd
5- Waxaan isla haa Dowladan Cabsidii Bulshadda bay Dhameyn Doontaa balse waa nagu Siyaadisey
6- Waa Dowlada aan Maalmihii hore Mucaarad lahayn hadde waxaa ku Kordhey Mucaaradkii
7-Tan anigu Dowlad ma dhihi karo waayo wixii ka dhacay Kismaayo ee Xasuuq ahaa kama hadlin Xitaa laguma soo qaadin Shirkii Adis Ababa.
8- Waxay ka bixi la’ dahay Shirar aan wax Natiijo ah lahayn oo Kharash lagu Cuno Fiiri kii Hotel Jasiira ee hada Dhamaadey maxaa ka soo baxay
9- Waa Dowlad Dadkeed Jecel waayo Madaxda Dowladda waxay Kormeero ku tagaan Goboladda Dalka.
10- Ar yaa maxaa loo yIdhi Shabaab Magaalada Muqdisho laga saarey waa kuwaa meel waliba ka Howlgalayo oo Dowladii ku Jaahwareertey .
11- War Tan iga dhaaf hadiiba ay sugi la’dahay Amaankii Shacabka, Waliba waxaa sii Cadhoodaa markaan Wasiiradeeda ka Maqlo Xalaada amaan ee Dalka aad bay u Wanaagsan tahay.war hadii aad wax qaban weydeen Dadka ha ku jees Jeesina
12-Ilaah ha na Dhaafiyo Midaan
13-War ha loo sugu Sannad kale
14- War tan Dowlad ma aha Sannad keliya ayaa la Diley 1 4 Wariye
15- Waa Dowlad Jabisey Gidaarkii 4.5-ka
16- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey
17- Waa Dowlada lacag yari nagu Ridey oo aan Shaxaad lahayn
18-Waa Dowlad fiican oo Xidhey Ilihi Dhaqaalaha ee la iska Guran jirey
19- Waxay nagu Ridey Sicir Barar
20- Waa Dowlad ay Wareegtadeeda Shaqeyneysa waayo waxay qaadey Isbaarooyinkii
21-Waa Dowlad aan markii Hore soo dhaweeyey markii ay 10 Wasiir Magacawdey balse Gadaal bay ka Dhiiqatey waxay Xukuumadii Noqtey 35 Wasiir maxay Dhaantaa kuwii ka Horeyeey
22-Waxaa Sannadkaas ay jirtey la Diley Dad fara badan oo isugu jirey Odey Dhaqameed,Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan,Wariyayaal iska dhaaf qaybaha kala ee Ciidamada iyo Dadka kale ee rayidka ah
23- Waxaa Dhacay Qaraxyo dad badan ku dhinteen, oo ay ugu waawenaayeen Qaraxyadii iyo Weerarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Weerarii iyo Isqarxintii Xarunta UNDP, Weerarkii Ismiidaaminta ee Xaruntii Turkiga, Soomaalida waxay Tiraahdaa Mayd maxa u Dambeeyey Kaa la sii Sido 7-Bisha oo Sadax Maalmood ka harsan tahay Sannad Guurada 1 aad ee Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ,waxaa uu Qarax ka dhacay Maqaayada The Village oo ay dad badan ku Dhinteen waana Qaraxii labaad ee lala beegsado Maqaayadas kii ka Horeeyey waxaa uu dhacay 20 kii September 2012,Hadaba wax iskama Bedelin Qaraxyadii Muqdisho
24- Waa Dowlada Kalsoonidii ku wedey Arrinta Kisimaayo
25- Aad baa u soo Dhaweynayaa Dowladda waayo waxay Xal ka gaadhey Arrinta Kismaayo
26- Waa Dowlad oo wax ka qaban weydey Dhul Boobka ka jira Muqdisho oo weliba lagu hayo Dhulkii Danta Guud
27- Waa Dowlad wax ka qabtey Waxbarasha la’aantii haystey Caruurta Soomaaliyeed waayo waxay Dugsiyo u Direysaa Hal Mlyan oo Caruur ah
28- Maya taasi iga jooji ,Caruurta Dugsiyada loo Dirayo ma Geedaha Hoostooda wax lagu baryaa waayo Dugsiyadii Dowladu lahayd waxaa la siiyey Hayado iyo Shaqsiyaad waa yaabee yaan Ummada Been loo sheegin
29-Waxaa Xabsi ku jira Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dadkii u soo Magangeliyey Dowladda si Xun ula Dhaqantey Halka Muqdisho lagu soo dhaweeyey Axmed Madoobe,ooh ore uga wada tirsanaayeen Xisbul Islaam.
30- War Dowladaan waxay nagu soo Nooleysey Dagaal Beeleedyadii waxaa Dagaalo ka soo Cusboonaadeen Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose 299 – Intii ay jirtey Dowlada Waxaa Gacanteeda ka Baxay Magaalo Madaxdii Gobolka Bakool ee Xudur oo ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab Mudadaas Dowladda Jirtey Ciidmada Amisom iyo kuwa Dowlada horey uma dhaqaaqin oo meeshii Shiikh Shariif uga tagey bay joogtaa
31- Heshiiskii Adis –Ababa waxaa uu ka cadheysiiyey Beelaha Raxan weyn oo Odayaashoodu Sheegeen in ay ka baxeen Dowladda Federaalka waxayna arrintu noqotey Tan Qabo tan sii Daa
32- Maamulka Pundland oo Tiir u ahaa Dhismihii Dowladaan ayaa iyana ku dhawaaqdey in ay Gabi ahaan Xiriirkii u jireen Dowladda Federaalka ka dib markii uu Maamulku uu sheegey in wax badan laga badeley Dastuurkii Dalka
33- Dowladu waxa badan bay qabatey waxay Wada hadal la Furtey Maamulka Soomaaliland taasoo la dhihi karo waa Talaabo ay horey Dowladu u qaadey oo ku Aadan Dhinaca Dib u Heshiisiinta
34- Waa Dowlad aan wax Naxariis ah u gelin dadkii ku jirey Guryaha Dowladda kuwaa oo qaarkood maanta ku Dandareysan Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo Guryihii laga saarey ay yihiin kuwa aan Dowladu ku shaqeyn Dowladda Federaalka sida u qirey Madaxweynaha Dowladda Federaalka
35- Waa Dowlad aan Dhihi karo waxay Dhiiragelineysaa in Dadka u kala baxaan Dabaqad Sare iyo Mid Hoose waayo Dabaqdii Dhexe ayaa u Muuqata in ay meesha ka baxayso , waxaa lagu Khaaliyeeyey Guryahii , waxaa ku Siyaadey Sicirkii Raashinka,
36- Waa Dowladda dib u soo Celisey Xiriirkii Caalamiga iyo Ururada caalamiga ah , waxaana uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu Magaaladda Washington kula Kulmay Madaxweynaha Mareykanka Obama
37-Waa Dowlada intii ay jirtey Heshiisyo la gashey Shirkado Badan kuwaa oo qaarkood aan la Garaneyn halka ay ka soo jeedaan,marka waxaan leeyahay waa Heshiisyo lagu Degdegey..
38- Waa Dowladii ugu Qabqabashada badneyd Dhinaca Dhaliyarada waxaan Dhihi karaa waa Dowlada Dhalinyarada Dagaal kula jirta
39- Aniga Madaxweynaha waan Jecelahay waayo waxaa uu Beerey Geed
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com