BARNAMIJKII SUGAANTAA IYO DHAQAANKA
Berlin Aug 20,2012(SDN)-Akhristeyaasha taxanahan la socdey waxaan caawa halkii uga sii anba qaadeynaa sooyaalka xigmada maahmaahyada Soomaalida oo aanu halkan dhawr baahin ku soo tebinay.
Hadaba Akhirsteyaal bal nala eega xigmadan ay inoo soo ururiyeen dhalin sugaantu laabtooda ay biyo dhigtay oo qurbaha ku barbaaray.
(1): Baadi nin aan lahayn bay ag joogtaa
(2): Aan wada hadalno waa aan heshiino(3) : Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.(4).: Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
(5) :Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
(6):Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
(7):Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto
(8):Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa
waxaa soo diyaariyeey_: jamac maxmaed xandule