Barnaamijkii taxahana ahaa ee Suaallaha iyo Jawaabaha Diiniga ah
Berlin August 05,2012(SDN)-Akhristeyaal eebe ha inagu maneysto kheyraadka faraha badan ee Bishan Barakeysan ee Ramadaan dhex ceegaaga,Amiin.
Hadaba aanu mar kale idiin soo bandhigno Barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha Diiniga ah ee aanu ku dooneyno in aanu kor ugu qaadno Fadliga bishan iyo Aqoonteena guud.
Hadaba isku dayay in aad suaalaha kolka hore ka jawaabtaan inteydaan eegin Jawaabaha.
Su’aal Sheeg Qoyskii ugu horeeyey ee Islaamka ka shahiiday?
2-Su’aal Sheeg Suurada Kaliya ay ku dhammaadaan Magacyadda Laba Nebi oo isku xigga?
3-Su’aal Sheeg Dagalkii ugu horeeyey ee dhex mara Islaam-ka iyo Gaalaada Gadaalkaasow ah mid weyn?
4-Su’aal Sheeg Qibladii ugu horeysay ee Islaamku yeesho?
5-Su’aal Sheeg labadii Dowladood ee ugu xooganaa Xiligii Nebiga (NNKH)?
6-Su’aal Sheeg Shan Suuradood oo loogu magac daray Nebiyaal?
7-Su’aal Sheeg Caasimadii ugu horeysay uu Islaam-ku Yeesho?
8-Su’aal Sheeg Asxaabigii ay Malaa’iigta ka xishoon jirtay?
9-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhimashadiisa darteed uu carshiga la gil gilshay?
JAWAABO
1-Jawab: Waa Qoyska Alla Yaasir.
2-Jawab: Waa Suuratul Aclaa (Sabixisma).
3-Jawab: Waa Dagaalkii Beder oo dhacday 17 ramadaan Sanadkii labaad ee Hijriyadda.
4-Jawab: Waa Qiblada Beytul Maqdis.
5-Jawab: Waa Dowladaha kala ah Ruum iyo Furus.
6-Jawab: Waxay kala yihiin’ 1-Nuux, 2-Yuufus, 3-Yoonis, 4- Ibraahim, 5-Huud.
7-Jawab: Waa Madiinatul Munawara.
8-Jawab: Waa Cusmaan Bin Cafaan Rc.
9-Jawab: Waa Sacad Bin Mucad Rc.
Barnaamijkan waxa soo diyaariyaya
Jaamac Maxamed
jamaca143@hotmail.com