Barnaamijkii la Cawee Xisbiga Wadani Oo Lagu Soo Bandhigay Magalada Burco + Sawiro
Burco,11Aug,2015(QJ/SDN)-Barnaamijka la Cawee Xisbiga Mucaradka Wadani ayaa Lagu Soo Bandhigay Magalada Burco.
Waxaana Barnaamijka la Cawee Wadani Ee Lagu Soo Qaatay Soo Bandhigista Journalka Wadaag Ee Xisbiga Wadani Oo ah Jariirad u Khaas ah Xisbigaasi.
Goobaha Caanka ah Ee Lagu Soo Bandhigay Joornalkani ayaa Waxa ka Mid ahaa Hotel Deero,Rainbow Center,Dalwanaaje Hotel iyo Goobo Kale Oo ay Habeenkii Dhalinyaradu ku Caweyaan,
Goobaha Lagu Soo Bandhigay Joornalkani Wadaag ayaa Waxa ka Dhex Muuqday Gudomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Maxamed Cali Suudi.
Gudomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer isagoo ka hadlay Ujeedoyinka Joornalkani ayaa waxa ka mid ahaa Hadalidisii sida Tan “ Xisbiga waddani waxa weeya xisbiga kaliya ee geeska afrika soo saray buug ama jaraaid magasing oo uu kaga shekaynayo khayraadka dalka iyo waxa uu qaban doono Xisbiga Mucaradka Wadani Marka Uu ku Gulaysto Talada Wadanka .Xisbiga wadani waxad ka aragtaa hormarkiisa sida uu wax u wado Buugan wadaag waa buug qiimo farabadan kufadhiya labadii biloodba mar ayuu soobaxayaa waxa looga baahan yahay aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka tog dheer inay soo dhaweeyan xisbiga iyo barnaamajyadiisa” Ayuu Yidhi Maxamed Cali Suudi Dhankoodana
Waxa iyaguna Kulankaasi ka Hadlay Qaar ka Tirsan Dhalinyaradii Akhrisatay Joornalkani Waxaanay Xisbiga Wadani Uga Mahad Celiyeen inuu Bulshada usoo Bandhigi Barnaamijkiisa Siyasadeed iyo Waliba Waxyabaha Uu Doonayo inuu Wax ka Qabto Marka Uu Talada Wadanka ku Gulaysto