|

Barnaamij Wejiyo Badan Bulshadda Somaliland Ka Tusay Murrugii Dimuqraadiyadii KULMIYE Iyo Mahadhooyinka ka Dhalan Doona DAAWO

MUSHARAXIINTA-KULMIYEHargaysa 21.Nov 2015 (SDN/QJ):- Barnaamij Dukumantari  ah oo laga sameeyay xaaladda iyo  wadciga xilligan uu ku jiro xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa shacbiga wejiyo kala duwan ka tusay sida loogu kala tagay fikirka iyo saamaynta mustaqbalka uu ku yeelan karo xisbigaasi khilaafka gondihiisa ka dhashay.

Barnaamijkan  oo ay isku soo dubo riday shabakadda Dhamays Media Group, waxa uu shacbiga dib u xusuusinayaa murrugii ka dhashay qaabkii loo agaasimay shirkii shanaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE.

waxa kale oo uu barnaamijkani xambaarsan yahay tallooyin aqooneed oo uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku odorasay hadamooyinka ka dhalan kara tartankii KULMIYE iyo wejiyadii loo yeelay. waxa barnaamijkani codadkooda shacbiga dib u xusuusinayaa Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Maxamed Xaashi Cilmi, saddexdii Murrashax ee shirka qaadacay ee kala ahaa Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle.

Arragtida Muuse Biixi Ee La Xidhiidha In Siyaasiyiinta  Sool/Buuhoodle Xisbiyadda iska Sharaxaan, Quusta Maxamed Xaashi Ka Muujiyay Xisbul Xaakimka, Masalooyinka Prof. Samatar,Muuqaalkii Shirka Iyo Mustaqbalka  KULMIYE

Daawo Filimkan Kooban iyo Farriinta uu xambaarsan yahay

Comments are closed