Barnaamij Lagu Magacaabo Xogaha Dugsiyada Sare oo Sadex Gobol uga furmay Hargaysa & Nuxurka looga dan leeyahay
Hargaysa 13.May {SDN) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan ayaa tababar Mudo afar cisho Soconaya u furay Sideed iyo Lixdan ka Mid ah Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Sadex gobol oo dalka.
Tababarkan oo la Xidhiidha Xogo laga soo Uruurinayo dugsiyada Sare ee Gobolada Maroodi Jeex,Saaxil iyo Awdal, Waxaana furitaankisii ka qayb galay agaasimayaasha Waaxaha Dugsiyada Sare,iyo Tababarada dugsiyada Sare iyo Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex kaas oo lagu qabtay huteel Imperial ee Caasimada Hargaysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan oo ka hadlay furitaankii tababarkaas ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani uu salka ku hayo sidii ay maamulayaashu xil isaga saari lahaayeen Xogaha ku wajahan Tirada Dugsiyada,ardayda wax ka barata,iyo fasalada ay ka kooban yihiin waxaanu xusay in Xogaha laga soo Uruurinayo dugsiyada Sare ee Sadexdaas Gobol lagu soo Xerayn doono Xafiisyada Gudoomiyayaasha Gobolada oo iyagu u soo Gudbinaya Wasaarada Waxbarashada.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in markii hore soo uruurinta Xogahan ay qaadan jireen qaar ka mid ah Ururada aan dawliga ahayn, hasa yeeshee ay wasaarad ahaan is tuseen inay ku haboon tahay in maamulayaashu ay hawshan iyagu soo Gutaan.
Maxamed Xasan Waxa uu kula dardaarmay ka soo qayb galayaashu in duruusta ay qaataan ay ku dabaqaaan hawlaha shaqo ee ay Mas’uulka ka yihiin.
Sidoo kale Waxay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare hore u siisay Maamulayaasha Dugsiyada Hoose/Dhexe Barnaamijkan Xogaha lagaga Soo Uruurinayo Dugsiyada Waxbarashada kaas oo Mustaqbalka lagu Jaangooyn Doono wax ka qabashada baahiyaha laga soo Gudbiyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com