Barnaamij Ku Saabsan Socdaalka Weftiga Somaliland u Matalaya Wada hadalada Turkiga ka Furmaya {DAAWO}
Berbera 05.July (SDN)Weftigii Somaliland u Metelayay Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ee Wejigiisii Afaraad ka qabsoomi doona Wadanka Turkiga ayaa maanta ka ambo baxay Madaarka Magaalada Berbera,Iyagoo ku Sugan Magaalada Addis ababa isla markaana Niska danbe ee caawa ka amba bixi doona.
Weftigan ayaa isuguna Jira Shirgudoonada Baarlamanka Somaliland, Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada iyo Warfidiyeeno kale ,Weftigan ayaa ka hor intii aanay ka dhoofin Madaarka Magaalada Berbera waxay ka hadleen arrimaha ugu weyn ee ay Somaliland ka rabto inay ka soo baxaan Wada hadaladan,oo ay ku Sheegeen Sidii ay Somaliland Aqoonsi u heli lahayd.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Jawaab ka bixiyay dhaleecayn ay uu u soo Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu uu ka reebay ergada Wada hadalada u Metelaya Somaliland.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com