Barlamanka Soomaaliya oo maanta ka hadlay Hoos u dhaca sarifka iyo sara u kaca Maciishada
Muqdisho March 07 2013 (SDN)— Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kana dhacay xarunta golaha shacabka ajandihiisuna uu ahaa xeer hoosaadka baarlamaanka ayaa waxaa la isu soo hadal qaaday sara u kaca sarifka suuqyada Muqdisho, ayadoon kulanka ay soo xaadireen 142 xildhibaan, waxaana shir gudoominayey Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu soo hadal qaaday hoos u dhaca iyo sara kaca ku yimid sarifka iyo maciishada suuqyada magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha xukumada Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku hor yimaadaan baarlamaanka si wax looga waydiiyo waxa sababay sara u kaca maciishada iyo hoos u dhaca sarifka.
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad oo isna dhamaadkii kulanka hadlay ayaa waxa uu sheegay in hay’adaha dowlada ee ku shaqada leh arimaha la xiriira hoos u dhaca sarifka iyo gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga doodi doonaan arimahani.
Hoos u dhaca sarifka iyo saameynta sara u kaca maciishada ayaa waxa ay maalmihii dambe noqdeen hadal heynta ugu badan ee ay hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed ayadoona dowlada ay u muuqaneyso mid ka gaabisay wax ka qabashada arinta la xiriirta hoos u dhaca sarifka.
SDN-Muqdisho