Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay howlaha labada sano ee soo aadan ay qaban doonaan
Muqdisho Dec 16 2012 (SDN)— Kulan ay soo xaadireen xildhibaano gaaraya 152 mudane uuna shir gudoominayay afhayeenka baarlamaaka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulankaasi oo uu ajandihiisa ahaa qorshe hawleedlka baarlamaanka 2-sano ee soo aadan.
Gudoomiyaha baarlamanka markii uu shaaciyay ajandaha shirka ayaa halkaas waxaa doodo kulul ka soo jeediyay xildhibaano ka mida baarlamaanka ,kuwaasi oo doodoodu ku qotantay talooyin iyo eedayn ay u soo jeedinayeen haya’adaha ku sugan dalka gaar ahaan kuwa xariirka la leh Dawlada.
Xildhibaan Maxamuud Aadan Kulalihi oo hadalkii ugu saamaynta badan maanta baarlamaanka ka hor jeediyay ayaa si aad ah u weeararay haya’ada UNDP oo uu ku sheegay mid xili walba lunsata dhaqaalaha loogu soo dhiibo sida uu yiri Dawlada iyo shacabka soomaaliyeed ,isagooa tusaale u soo qaatay lacag fara badan oo sanadkii 2001 –dii dalalka deeqaha bixiya ugu talo galeen dalka soomaaliya oo inteeda badan ay lunsatay haya’adu taas uu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay ka xisaabtanka talaabadaasi.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib ajandihii kulanka maanta looga doodayay oo mararka qaar sababaysay in xildhibaanadu ka baxaan ajanhada ayaa gudoomiyaha baarlamaanku waxa uu shaaciyay go’aankii ugu danbeeyay isagoo xusay in ay baarlamaanku ansixiyeen qorshe hawleedka 2012-2014 ka ay ku shaqaynayaan.
SDN-Muqdisho