|

Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo Su’aalo Amaanka quseeyo weydiiyay Wasiirka Amniga dalka (Sawirro)

Muqdisho April 21 2013 (SDN)– C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa 191 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya hortooda kaga jawaabay shan su’aalo oo ku qotomay xaaladaha ammaan ee gudaha Magaalada Muqdisho,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee hareeyay caasimada.

Afar mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay Wasiir C/kariin inuu jawaab ka bixiyo dhalinyaro dhawaan lagala baxay xabsi ay maamusho Dowladda weerarkii xarumaha Garsoorka iyo digniintii Dowladda UK ee ammaanka dalka ay ka bixisay, waxa uu kala socdo Hay’addaha amni ee ay ajaanibta leedahay ee ku sugan gudaha dalka iyo su’aalo kale oo Wasiirka uu ka jawaabay.C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu horeyn ku micneeyay dhalinyardii lagala baxay xabsi ay leedahay Dowlada inay ahaayeen labo sarkaal oo ka tirsan Shabaab si ay Hay’adda Nabadsugida xog dheeri ah ay uheshana ragaasi ay sheegeen inay hayaan xogo ku saabsan hub iyo rag kale oo saraakiil Shabaab ka tirsan.

Hase ahaatee Wasiirka ayaa sheegay in halkaasi ciidanka Nabadsugida ay kala kulmeen qataro markii iskahorimaad halkaasi ka dhacayna ay ku geeriyoodeen labadaasi sarkaal ee Shabaabka ka tirsanaa.

Su’aal udhaceysay weerarkii ka dhacay xarumaha garsoorka ee Magaalada Muqdisho iyo digniintii ay bixiyeen sirdoonka UK oo ay weydiiyeen Xildhibaanada ayaa wasiirka ku sheegay inaaneey xiriir ka dhaxeenin weerarkaasi iyo digniintii Dowladda Ingriiska ay bixisay.

Ugu dambeyn Wasiirka arimaha gudaha ayaa shaaca ka qaaday inay wax ka qabanayaan jidgooyooyinka yaala qeybo kamid ah Gobalada dalka Ajaaniibta hubaysan ee ku sugan gudaha dalka iyo wax waliba oo ammaanka dalka Qatar ku noqonaya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed