“Bariiskii uu madaxweyne-ku-xigeenka iyo wiilasha uu Adeerka u yahay Taleex u rareen ayaa……..” xildhibaan indho indho.
Hargeysa:1-Sep-2013-(SDN)-Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ee ka soo jeeda Deegaanada Bariga, ayaa sheegay in xaaladda qallafsan ee haatan ka taagan Deegaanada Taleex iyo daan-daansiga lagu hayo ciidanka qaranka Somaliland uu sabab u ahaa Bariiskii ay Somaliland deegaanadaas geysay.
Xildhibaan Indho-indho oo maalintii shalay xarunta Golaha Guurtida kula hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan, ayaa arrintaas raashin geynta deegaankaas si gaar ah ugu eedeeyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Xildhibaanka oo arrinta waaqiciga ah ee meeshaas ka jirta ka hadlaya, ayaa yidhi, “Bariiskii uu madaxweyne-ku-xigeenka iyo wiilasha uu Adeerka u yahay Taleex u rareen ayaa ciidanka qaranka lagu soo weerarayaa, markuu Keenu Bariiska Raray ayaa kii kale ee Puntland-na Awr Goolal ah keenay meesha, markaa meesha khaatumo iyo Puntland baa isku haysta innaguna (somaliland)mid aynu la socono garan maayo.”
Xildhibaanka oo sharraxaya qaabka ay Somaliland u dhigtay dhaqdhaqaaqa meesha ka jira iyo rasmiyan xaaladda taagan, ayaa yidhi, “Maanta labadoodaa(puntland iyo khaatumo) is haysta oo is weeraraya markaa inaynu dad is haysta oo Bariis isku haysta aynu ka dhigno dad ina soo weeraraya maaha.”
Mar uu xildhibaan indho-indho tilmaamayey habkii ugu haboonaa ay dadkaas raashinka lagu siin lahaa iyo talada arrintaas ku saabsan ee xukuumadda seegtay, waxa uu yidhi, “ Waxa ay ahayd in la sheego oo la yidhaahdo Somaliland baa idiin keentay Puntland-na way idiin diiday, waxa aynu meesha ku haynayna ma ahayn bariis hadyad ahe waxa ay ahayd bariis siyaasadaysan oo turkigu markii iyaga loo diiday buu yidhi innaga qaada”
Waxa kale oo uu xildhibaan Indho-indho farta ku fiiqay inaanay jirin wax khatar nabad-gelyo ah oo Somaliland kaga soo socota Deegaannadaas, “Marka ay labadoodu soo kala hadhaan, ka soo hadha ayeynu la ciyaaraynaa, meeshana annagaa u dhalanay oo wax allaale iyo wax ay Somaliland yeeli karaan ma jiraan, haddaynu gacant u qaadnana gebigoodaba saacad gudaheed baynu ku soo wada qabqabanaynaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho.
Hadalkan ka soo yeedhay xildhibaan Indho-indho, ayaa waxa ku soo beegmayaa xilli ay dawladda Somaliland ku dhawaaqday jawi colaadeed oo deegaanadaas ka soo socda, waxana ay abuuridda xaaladdaas dusha ka saartay maamulka Puntland oo uu madaxweyne-ku-xigeenkoodii oo ciidamo badan wataa gaaf-wareegayo deegaanada Taleex.
Somalidiasporanews.com